Wax Ka Ogoow Golaha Wasiirada Cusub,Yaa Soo Noqday,Yaase Ku Cusub+WARBIXIN.

Ra’iisul Wasaraha Somalia Cumar C/rashiid ayaaa xalay ku dhawaaqay gole wasiiro wuxuuna ka sheegay xafladdii lagu magacaabayay in uu mudnaanta siiyay laba arrin, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in waqtiga dowladda u harsan, oo kooban awgeed uu soo celiyay wasiirradii madaxda ka ahaa wasaaradaha muhiimka ah.

Golaha Xukuumadda ee cusub ayaa ka kooban 25 Wasiir iyo ku-xigoonadoodi iyo 9 Wasiiru Dawle, waxaa dheer Raysalwasaare ku-xigeen aan hayn xil Wasaaradeed, Xukuumaddii hore waxay dheertahay Raysalwasaare Ku-xigeenka goonida ah iyo 4 Wasiiru Dowle.

Qaar kamid ah Wasaaradaha ayaa la kala goostey sida Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka, oo labo loo kala qaadey Caddaaladda loo reebey Wasiirkii hore ee udub dhexaadka u ahaa khilaafkii Xukuumaddii hore, halka Dastuurka loo dhiibey Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo horey Puntland uga soo noqdey Wasiir haddana ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la dhihi karaa waa ku guuleystey Wasaaradihii uu doonaayey intooda badan sida Maaliyadda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha & Federaalka, Gaashaandhigga , Amniga iyo qaar kale oo halbowle ahaa xukuumadda

Wasiirada dib u soo noqdey iyo wasaaradaha ay kala hayaan ayaa ah:

Xuseen Cabdi Xalane Wasiirka Maalliyadda

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Wasiirka Gaashaandhigga

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Arrimaha Dibadda

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Yusuf Macalin Amiin

Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed Wasiirka Caddaaladda

C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha & Arrimaha Federaalka

Ducaale Aadan Maxamed Wasiirka Hiddaha & Tacliinta Sare

Daa’uud Maxamed Cumar Wasiirka Macdanta iyo Batroolka

Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska

Wasiirada ka harey taageerayaashii raysalwasaarihii hore ee soo noqdey

Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow Wasiirka Warfaafinta

Khadiija Maxamed Diriye Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

Wasiirada ku cusub golahan ayaa qaarkood ka soo shaqeeyeen Xukuumadihii hore, Waxaana ka mid ah Sanbalooshe, Cabdalla Boos iyo Maxamed Xayir Maareeye, waxaa kamid ah kuwa ku cusub, sida Guddoomiyihii hore ee Rugta ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid, oo ka mid aha aqoonyahanka fir-fircoon isla markaana la dhihi karo waa weji cusub oo wax ku soo kordhin kara siyaasadda. Wasiirka Dastuurka Dr Cabulqaadir Gaabane oo horey Wasiir uga soo noqdey Puntland xiligii Madaxweyne Faroole haddana ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la dhihi kara waxa uu qabtey Wasaarad ku habboon isla markaana halbowle u ah isbeddelka 2016, Xaashi oo ah nin lagu yaqaan afgaabni ayaa waxaa booskan kula tartamaayey Xildhibaanka codka dheer ee xukuumad kasta duminteda ka qayb-qaatey, Xil. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Gen. Ilka jiir oo isaguna horey Puntland uga soo noqdey Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa xukuumadda Sharmarke ka soo dhex-muuqdey, waxaana Ilkajiir loo igmadey Wasaarad muhimad gaar ah leh marka la eego da’yarta iyo aqoonyahanka waana Wasaaradda Waxabarashada, Wasaaraddan waxaa in badan ay khilaaf gelisaa shahaadooyinka iyo manaahijta qaar ka mid ah dugsiyada Soomaaliya taas oo ka qayb-qaadatada muranada dhex mara Dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo Dowladda Dhexe, Waxaana la dhihi karaa waa guul in Gen. Ilkajiir oo ah waayo arag iyo ruug cadaa in uu daadihiyo Wasaaraddan.

Wasiirada ku cusub Xukuumadda ayaa ah:

Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen

Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) Wasiirka Amniga Gudaha

Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Caafimaadka

Axmadey Sh. Mukhtaar Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

Cabdullahi Axmed Jaamac “Ilkajiir” Wasiirka Waxbarashada

Maxamud Cali Magan Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga

Cabdiqadir Cabdi Xashi “Gaabane” Wasiirka Arimaha Dastuurka

Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasiirka Korontada iyo Biyaha

Maxamed Cumar Caymooy Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Cabdullahi Sh. Ismaacil Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Cabdalla Boos Axmed Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta

Xuseen Maxamed Sheekh “Badni” Wasiirka Beeraha

Cabdiraxman Cabdi Cusmaan Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha

Maxamed Mukhtar Ibrahim Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

Abuukar Cabdi Cusman “Mardadi” Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

Xukuumadda Sharmarke ayaa la dhihi karaa waxay leedahay Wasiiru Dowlayaashii ugu badnaa, marka loo eego xukuumadihii ka horeeyey, Sagaalka Wasiiru Dowle waxaa cusub 6 halka saddexda kale ay yihiin kuwo dib u soo laabtey mar labaad.

 

Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net

webmaster@arlaadii.net /
Arlaadii@hotmail.com

Leave a Reply

*