Ma lagu kala adkaadaa dagaal sokeeye ?‏ W/Q: Cabdullahi Ibrahim

Qormadan iyo qormooyin badan oo soo socdaba, Waxa aan kaga hadli doonaa Xaaladda ay ku sugan tahay Umadda Soomaalida iyo waliba sida ay uga bixi karto.  Inta aan ku gudajirno qormooyinkaasi, Waxa aan isku dayi doonnaa insha Alaahu inaan soo bandhigno talooyin waxku ool ah,  Kuwaas oo gacan ka geysan kara sidii looga bixi lahaa Xaaladdaasi qalafsan.
 
Qormadan maanta, Waxa aan kaga hadleynaa sida ay u adag tahay in lagu kala adkaado dagaaladan sokeeye ee ka holcayo deegaano badan oo ku yaallo dalkeena, Kuwaas ay isku xiijinayaa shaqsiyaadka horboodo kooxaha ka jira dalka sida Dowladda Federaalka, Xarakada Al-shabab, Puntland, Soomaaliland, Jubaland iyo waliba Koonfur Galbeed.
 
Dhinacayada siyaasadeed ee ka jira dalka, Ayaa waxa uu dhinac walbo ku dadaalayaa sidii uu uga adkaan lahaa dhinaca  kale ee ay ishayaan Iyadoo loo marayo Qoriga afkiisa. Tusaale ahaan, Dowladda Federaalka waxa ay dooneysaa in ay dagaal kaga adkaato Xarakada Al-shabab, Iyadoo isticmaaleysa ciidamo Shisheeye oo ay ku jiraan kuwa Itoobiyaan ah, Kuwaas oo horay ugu fishilmay dalka.
 
Dhinaca kale, Waxaa iyagana jira dagaalo kale oo u dhaxeeya Maamulada qaar sida Soomaaliland iyo Khaatumo, Puntland iyo Al-shabab oo kale. Kuwaas oo daraf kastaaba uu doonayo in uu xoog ku maquuniyo darafka kale waaba haddii uu awoode. Hadaba aan is weydiinee aqristoow ma lagu kala adkaadaa dagaal sokeeye?  Jawaabta oo gaaban waa maya. Hadaba haddii ay jawaabtu tahay maya maxaa daliil ah ?
 
Sida aad ka warqabtaan walaalayaal, Waxaa dalkeena maanta ka socda dagaalo sokeeye, kawaas oo ay isaga horimaanayaan dad Soomaali ah inkastooy jiraan Shisheeyana. Dagaaladaasi, ayaa waxa ay soo bilowdeen xilligii ay jirtay Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Alaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, ka dib markii ay Dowladdaasi isqabteen rag siyaasiyiin oo xukun doon ah.
 
Markii ay dhinacyadaasi is qancin waayeen sabab kastaaba ha jirtee, Waxa ay qolo walbaaba ku qanacday in ay xoog wax ku xaliso. Tusaale ahaan, Dowladdii Maxamed Siyaad, Waxa ay doorbiday in ay gacan bir ah ku qabato cid kasta oo iskudayda in ay ka hortimaaddo, Halka dhinacayadii Iyada ka soo horjeedeyna ay go’aansadeen in ay u baxsadaan dhanka Itoobiya, si ay uga soo jabhadeeyaan.
 
Maalintaasi wixii ka danbeeyey, Waxa la galay dagaalo sokeeye, kawaas oo qolo walbaaba ay ku dooneysay in ay ku adkaato dagaalka. Tusaale ahaan, Dowladdii waagaasi jirtay, Waxa ay isku qancisay in ay xoog militari ku xaliso Mashaqadii kala dhexeysay Jabhadihii xiligaasi jiray sida Jabhaddii SNM-ta oo kale balse kuma aysan guuleysan.
 
Dagaalo qaraar ka dib, Waxaa dhacday in Dowladdii ay ka adkaadaan Jabhado ku hubeysay Qoriga loo yaqaano Kaarabiinka, Jabhaddahaasi oo ay soo hubeysay Itoobiya. Intaas ka dib, Hadana waxaa bilowday dagaalo kale oo wato waji qabiil, sida dagaaladii dhexmaray Beelaha Daaroodka iyo Hawiyaha iyo waliba dagaalo kale oo Iyagana oo dhexmaray beelo ku nool Magaalada Muqdisho. Dhamaan dagaaladaasi, Waxa ay ku soo dhamaadeen fashil iyo guuldaro ka dib markii ay  kala adkaan waayeen kooxihii ay dirirtu ka dhaxeysay.
 
Intaasi ka dib, Hadana waxaa noo bilowday dagaala kale oo waji cusub leh, kuwaas oo ay qeyb ka ahayeen kooxo wadaado ah inkasta oo inta badan Iyaga la soo weerari jiray, sida dagaalkii ka dhacay Buundada Araraare, Kii ka dhacay Barri iyo waliba kii kaloo ka dhacay Gedo. Dhimasho, dhaawac iyo barakac badan ka dib. Ma lagu kala adkaaday dagaaladaasi ? Maya. Ma jirtaa qolo Wadanka laga saaray ? Maya.
 
Markii intaasi oo dhan wax lagu baran waayey, Hadana waxaa mar kale iskeenay Alaha u Naxariistee C/laahi Yuusuf oo wata 50.000 oo Itoobiyaan ah, Waxa uuna dagaal ka soo bilaabay Isaga iyo xulafadiisa deegaanka lagu magacaabo Bandiiradley oo ku yaallo Gobolada Dhexe, ilaa ay gaareen Xaduuda beenaadka Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya. Dagaaladaasi oo burbur badan geystay, Hadana laguma kala adkaan. Tusaale ahaan sanad ka dib, Waxaa u suurtagashay dagaalyahanadii Maxaakiimtu in ay hareereeyaan Xaruntii uu C/laahi ku lahaa Magaalada Muqdisho.
 
 
Waxaas oo dagaalo ah oo dhacay, oo ay ku dhinteen kumanaan kun oo Soomaaliyeed, Islamarkaana ay ku dhaawacmeen kumanaan kale. Hadaba ma jirtaa qolo inta laga adkaaday guurtay ?  Hadaan si kale u dhigo ma jirtaa beel ama koox inta laga xoog batay u carartay dal kale ? waa maya.  Hadaba hadaanan lagu kala adkaaneynin dagaal sokeeye waa maxay dagaaladan iska socda ? Miyaan dhacdooyinka wax lagu baraneynin mise qofka Soomaaliga  waa indha-kugaraadle aan wax ka baraneynin wixii soo maray ?
 
Tusaale ahaan, Xasan sheikh, Cabdiwali Gaas, Siilaanyo, Cali Khaliif, Shariif Xasan Sheekh, Galaal, Axmed Madoobe iyo Amiirka cusub ee Al-shabab Intooduba waxa ay tumayaan durbaano colaadeed oo ay ku dhimanayaan dad Soomaali ah. Hadaba aan isweydiine ma waxa ay u haystaan in ay ku guuleysanayaan dagaalada ay ku guuleysan waayeen raggii Iyaga ka horeeyey sida Maxamed Siyad, Caydiid, C/laahi Yuusuf, Sheekh shariif, Maxamed Dheere, Cabdiqeybdiid, Abuu Subeyr, Aadan Xaashi Ceyrow, Muuse Suudi, Faroole, Xasan Daahir iyo waliba Barre Hiiraale.
 
 
Tusaale ahaan, Waa maxay waxa uu Xasan Sheekh u doorbidayo in dagaal wax lagu dhameeyo, Mise waxa uu u malaynaya in uu qaban karo wixi uu C/laahi Yuusuf qaban waayey ?   Sow ma’ahayn in uu dib-uheshiisiin iyo isafgarad wax ku raadiyo ?   Dhanka kale, Ma waxa ay la tahay Amiirka cusub ee Xarakada Al-shabab in uu gaari karo wixii uu gaari waayey Abuu Subeyr ? Maxaa dadka loogu cayaarayaa ?
 
Cabdiwali Gaas, Ma waxa ay la tahay in uu soo afjari karo dagaalkii uu soo afjari waayey C/raxmaan Faroole, oo aan aaminsanahay in uu dhinac walba kaga fiicnaa. Oday Siilaanyo, Isagu waxa ay la tahay ayaan u malaynayaa in uu xoog ku maquunin karo dadka reer Khaatumo iyo Awdal.  Yaa haddii umadi xoog lagu maquunin karo Maxamed Siyaad baa ku maquunin lahaa, oo aan rumaysanahay in uu xoog iyo xeeladba ka fiicnaa kuwa maanta horboodayo colaaddan aan faa’iidada lahayn.
 
Mar hadaanu ogaanay in aan lagu adkaanin dagaal sokeeye, oo runtii aan u keenay tusaalayaal badan oo waaqici ah. Hadaba Maxaa xal ?  Anigu, runtii waxa ay ila tahay haddaanu nahay Soomaali, Waxaa noo furan hal waddo oo kaliya, Waana wadahadal iyo dib-uheshiisiin dhab ah, Waa haddii la doonayo in laga baxo dhibaatadan dabadheeraatay.
 
Hadaba sidee loo heshiinayaa yaase na heshiisiinayo ?  Anigu, Waxa ay ila tahay in la helo dad Soomaali ah oo dhexdhexaadiya dhinacyadan is dilayo, sida Dowladda Federaalka iyo Xarakada Al-shabab oo kale. ka dibna u gudba dhinacyada kale sida Soomaaliland iyo Khaatumo, Alshabab iyo Puntland.
 
Hadaba, si loo joojiyo dhiiggan daadanyo, islamarkaana loo helo hanaan dib-uheshiisiin oo dhab ah, Waxa aan soo jeedinayaa talooyinkan soo socda :-

1- In la dhiso guddi dhexdhexaadiya dhinacyada is dilayo, kaas oo ka kooban Culimo, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo waliba dad indheergarad ah.
 
2- In ay Warbaahinta Soomaalidu ka qeybqaadato dadaalka lagu dhisayo guddigaasi.
 
3-In lagu daro gudigaas Shaqsiyaadka ay ka midka yihiin Cabdiqaasim Salaad Xasan, Sh. Maxamed Idiris, Sh. Maxamud Ibraahim Suuley, Sh. Maxamed Xaaji Yuusuf, Prof. Cabdi Saciid Samatar iyo raga la midka ah.
 
4- In dhagaha laga fureysto Shisheeyaha ku baaqayo daadinta dhiigga dadka Soomaalida ah iyo waliba sii wadidda dagaal aan guul lahayn.
 
 
Wixii talo ama tusaale ah fadlan iigu soo dir e-mailkaas
 
 
W/Q: Cabdullahi Ibrahim 
Abdull2006@hotmail.com
 

Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net

webmaster@arlaadii.net /
Arlaadii@hotmail.com

Leave a Reply

*