facebook
twitter
youtube
+31685057896 arlaadii@hotmail.com
default-logo
  • Home
  • wararka
  • English news
  • Maqaalada
  • Cayaaraha
  • Dhacdooyinka
  • Contact
BREAKING NEWS
Ciidamada Konfur Galbeed oo Howl ka Sameyay Wadada U dhaxeyso Baydhabo iyo Buurhakaba
Qudbadaha Musharaxinta Gudoomiyaha Baarlananka oo Maanta La soo Gaba Gabeynaayio
Dawalada Soomaliya Oo Sharci Daro ku tilmaantay Heshiiskii wasarada Gaashandhiga iyo Shirkada SKA
Hub la Sheegay in lagala Baxay Xerada Imaaradka Oo lagu Kala iibsanaayo Suuqyada Magaalada Muqdisho
Shirka Wasiirada Amniga Dawlada dhexe iyo Kuwa Gobolada oo Ka furmay Magalada Garoowe
Dagaal Xoogan oo Ka dhacay Duleedka Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool
Madaxweyne Farmaajo Oo la kulmay Ciidamada Imaaradka
Dablay Hubeysan oo Qof Bajaaj le ah Ku Dileen Suuqa Xoolaha Magalaada Muqdisho
Nin ka tirsanaa Ururka Daacish Oo lagu Soo Bandhigay Magaalada Muqdisho
Dawlada kenya oo Baajisay Xaflada loo Qabanaayay Siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakur
Wasirka Gashandhiga Maxamed Mursal oo Xilka Iska Casilay

Khiyaano Guud ha ku dhicina Xildhibaano: Doorashada Madaxweynaha cusub ka hor Xadiith-kaan akhriya, fahma oo ku dhaqma.

Posted On 08 Dec 2016
By : editor
Comment: 0

Nabigeena Suuban Muxamed (SCW) wuxuu yiri “qofkii loo dhiibo talada muslimiinta, dabadeedna u doorta mid looga haboonyahay masuuliyada, wuxuu khayaanay ilaahay iyo rasuulkiisa iyo Mu’miniinta”.

Xildhibaanada Baarlamaanka cusub waxaan ugu naseexayn lahaa inay akhriyaan, fahmaan kuna dhaqmaan xadiith-kaan oo aysan Shacabka Soomaaliyed ee dhiban u doorin Madaxweyne aan u qalmin Madaxtinimada dalka Soomaaliya. Sidii dhacday sanadkii 2012-ka oo dowladii la doortay la wada arkay sida ay ugu fashilantay talada iyo hoggaaminta dalka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan doorashadii dhacday sanadkii 2012-ka in ay ka qeybgaleen Murashixiin leh Amaano, Aqoon iyo khibrad dheer balse aysan xildhibaanadu xulashadooda Madaxweyne ku qiimeyn sifooyinkaas. Soo lama oran karo hadii ay xildhibaanadu ku dhaqmi lahaayen xadiith-kaan oo aysan dano ama maslaxad kale fiirin lahayn, oo ay dadka iyo dalka uu xuli lahaayen Murashax Madaxweyne oo leh karti, Aqoon iyo Amaano in maanta xaalka dadka iyo dalka Soomaaliyed mesha uu hada joogo meel ka wanaagsan gaari lahaa.

Xildhibaano ka fakara dunuubta ay ka midka yihiin Hanti lunsashada, Eexda cadaalad darada iyo Musuq-maasuqa uu la imaado qofka aad u doorataan Madaxweyne inaad qeyb ku leedihiin gaar ahaan hadii aad Laalush kala qaadateen oo aad sidaa ku doorateen Madaxweynaha. Sidoo kale hadii aad doorataan Madaxweyne wanaagsan guusha uu keeno qeyb ayaad ku leedihiin, waxayna sharaf iyo wanaag u tahay idinka iyo shacabka aad meteshaan, sidaas ayaana Aduun iyo Aakhiraba idiin fiican.

Hadaba baarlamaanka cusub soo ma haysato khiyaanada nabigeena ka digay hadeysan ka fiirsan Murashaxa ay Masuuliyada culus ee Madaxweyne u xulanayaan. Soo ma aynu aragno xildhibaano badan oo doorashada madaxweynayaasha ku xeeriya dhaqaale, qabyaalad ama maslaxad kale oo aan ku qiimeyn qofka loo dooranayo Madaxweynaha Aqoon, Karti, Amaano, Daacadnimo iyo Cadaalad. Doorashada Madaxweyne waa fursad ay la socoto Masuuliyad aad u culus, gaar ahaan dalka Soomaaliya oo ay la dageen colaado raagay, Amni daro, saboolnimo baahsan, dowald xumo iyo Musuq-maasuq. Xildhibaano Masuuliyada idin ka saaran shacabka Soomaaliyed maanta ha dayicina, si aydaan u shalaayin barito, khaladka aad maanta ka gashaan dadka iyo dalka Soomaaliya ma sixi kartaan 4-ta sano ee socota, hada ayaad fursad qaali ah haysataan.

Waxaa sidoo kale laga rabaa Madaxweynaha cusub inuu doorto Ra’iisul Wasaare u qalma Masuuliyada loo dhiibayo, Ra’iisul Wasaarahana uu Magacaabo Wasiiro u qalma xilka loo magacaabayo, iyaguna ay xushaan shaqaale lagu xushay Aqoontooda iyo karti, hadii aan sidaa la yeelin waxaa lagu dhacayaa khiyaano guud, oo cadaalad darada ka dhalataa aysan dadka iyo dalka u wanaagsanayn.

Alle ummadda Soomaaliyed dhibka iyo dowlad xumada ha ka saaro, Madax Aqoon, karti, Amaano, daacadnimo iyo Cadaalad lehna talada ha ugu dhiibo. Aamiin.

Tixgelin,

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

HALKAN KALA SOCO WARAR KEENA CUSUB LANA WADAAG ASXAABTAADA Share on FacebookShare on TwitterShare on Google+Share on LinkedinShare on Pinterest

Share this:

  • Click to share on Twitter (Opens in new window)
  • Click to share on Facebook (Opens in new window)
  • Click to share on Google+ (Opens in new window)

Related

Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net
webmaster@arlaadii.net / Arlaadii@hotmail.com
  • google-share
Previous Story

DOORASHADA Madaxweynaha Soomaaliya Waxey Dhaceysaa 28 December, 15 kana waxaa la dhaarinaya Xildhibaanada.

Next Story

AKHRISO Maamulka Shariif Xasan Oo Si Rasmi Ah Usoo Gudbiyay Xubnaha Aqalka Sare Ee DFS Isagoon Dheg Jalaq Usiin Guuxa Shacabka

Leave a Reply Cancel reply

*
*

banner
banner
banner
banner
banner

Daawo Shariif Xasan Dhibaatada Uu Ku hayo Afgooye

banner

Shafiif Xasan iyo Madeer oo Gacantooda Kusoo qortay Xildhibaanada Kg

banner

BANANBAX KA DHAN AH MAAMULKA AFGOOYE IYO TALIYAHA BOOLISKA DEG.

banner

Dhageyso Shariif Xasan Oo Xuquuqdii Beesha Macalin Weyne Siiyay Qof Kasoo Jeeda Gedo

banner

Masuuliyiin Ku Goodiyay In Dacwad Caalami Ah Ka Gudbin Donan Shariif Xasan

banner

Tiisa Daryeele Ayaa Tukale Ku dara Shariif Xasan oo ku..

banner
banner
© Copy Right 2006 - 2015 Arlaadii.net - All Rights Reserved.                                  Site Designed & Developed by Eng.Abukar Macalin