we

Gudigii loo xil saaray qaraxii tiyaatarka ayaa lafilayaa in uu ku dhawaaqo cida ka dambeysay qaraxii tiyaatarka ama waxa soo baxay baaritaan kadib.

Filed under: SOMALIA NEWS |

Mogadisho:(A.M.Network) Gudigii loo xilsaaray baaritaanka qaraxii Tiyaatarka ka dhacay 4-tii bishan ayaa la filayaa in markii u horeysay ay soo bandhigaan natiijada baaritaankaas qaatay mudada 20-ka cisho, iyadoo Saraakiil ka tirsan dowladda ay xaqiijiyeen.
Baaritaanka oo ahaa mid qaatay muddo saddex todobaad ah ayay wararku sheegayaan in Laamaha ammaanka dowladda ay kulamo gaar ah ka yeesheen baaritaanadii la sameeyay.

Natiijooyinka horu dhaca ah ee la soo bandhigayo ayaa ah muuqaalo la daawaday ee Xafladii Tiyaatarka, kaasoo bilow u noqday raadad badan oo soo dhex galay xubno ka tirsan dowladda, kaas oo keenay in loo xiro ragg ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xuseen Carab Ciise oo ah madaxa Gudiga ayaa sheegay in natiijada baaritaanka ay u soo bandhigayaan si horu dhac ah.

Kuxigeenka Midowga Afrika ee AMISOM Wafula Wamunyinyi ayaa maalin ka hor sheegay inay ka qeyb qaadanayaan baaritaanka qaraxaas, isla markaana qubaro ku biiriyeen Gudigii loo magacaabay inay soo baaraan.

Qarixii tiyaatarka ee galaaftay nolosha dad ku dhow 10-ruux oo isugu jira madaxdii Isboortiga, mas’uuliyiin iyo dad rayid ah ayaa dhaliyay is qab qabsi la xiriira hey’adaha dowladda oo dhexdooda isku eedeeyay mas’uuliyada qaraxaas.

Dad badan ayaa ka war dhowraya natiijada baaritaankaas, iyadoo aan la ogeyn meel ay ka baxeen baaritaanadii hore ee qaraxyadii lagu qaarijiyay Ragg Wasiiro ahaa oo ka tirsanaa Xukuumadihii hore, inkastoo Mas’uuliyada qaraxyadaas ay sheegatay Shabaab.

Inta jeer ee la aqristay :91

Arlaadii waa hoyga wararka Soomaaliyeed

www.arlaadii.net

arlaadii@hotmail.com

wardiile2011@hotmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>