we

Wasiirka Beeraha ahna Ra’iisal wasaare kuxigeen oo la magacaabay

Filed under: SOMALIA NEWS |

Mogadisho:(A.M.Network) Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa loogu magacaabay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xuseen Sheekh Maxamed Xuseen oo horay Wasiir uga soo noqday Xukuumadihii hore.

Magacaabistan ayaa ka dambeysay markii Madaxweynaha uu bishii la soo dhaafay xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii ahna Wasiirkii Beeraha Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim, inkastoo uu ku gacan seyray xilkaas.

Wareegtada ayaa lagu sheegay inay dhaqan geli doonto marka Madaxweynaha uu saxiixo, iyadoo shaqsiga loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamed Xuseen uu xilkaas si rasmi u qabanayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhowaan xilka Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Isboortiga u magacaabay Maxamuud Jirde Xuseen, markii xilkaas laga qaaday Maxamed Sheekh Muxiyadiin Mursal.

Saddexdii bil ee la soo dhaafay ayaa siyaabo kala duwan is bedelo loogu sameeyay Golaha Wasiirada, inkastoo is bedeladaas ay si kooban u saameeyeen Wasiirada qaar, sida Wasiirka Arrimaha Dibada, iyadoo lagu soo biiray Wasiiru Dowlayaal, wasiir kuxigeeno.

Inta jeer ee la aqristay :91

Arlaadii waa hoyga wararka Soomaaliyeed

www.arlaadii.net

arlaadii@hotmail.com

wardiile2011@hotmail.com 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>