Madaxweynaha Oo Booqday Isbitaalada Iyo Goobta Uu Qaraxa Ka Dhacay Dhiigna U Shubay Dadki Ku Dhawacmay Qaraxi Zoobe + Sawirro
Madaxweynaha ayaa saakay booqday isbitaalada lagu dabiibayey dadkii shalay ku dhawacmay qaraxii Isgooska soobe ka dhacay kaas oo ay dhinteen sida la sheegayo in kabadan 99 ruux iyadoo dhaawaca iyo dhimashadaba ay sii kordhayaan.
Mudane C/lahi Farmaajo ayaa dhiig u shubay dadka ku dhaawacmay qaraxa oo qaakood ay dhimanayan dhiig la aan waxaana uu shacabka ugu baaqay ineey caawiyaan walalahooda islamarkaana ay dhiig u shubaan si loo badbaadiyo.
Dhinaca kale madaxweynaha ayaa booqday goobtii uu qaraxa ka dhacay waxaana halkaasi dhoobnaa dad fara badan oo ay ka muuqato murugu kadib marka uu wareystay madaxweynaha ayaa loo sheegay in dadkan kuy sugan goobta ay raadinayaan eheladooda oo aan nolol iyo geeri midna lagu heynin, madaxweynaha ayaa uga tacsiyeyay dhamaan eheladii ay dhibaatadaan saameysay halka kuwa kalana uu ugu duceeyey in caafimaad deg deg ah ilaahey siiyo.
Ugu danbeyn Qaraxa ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu weynaa ay Al shabaab ka geeystaan gudaha dalka laga so bilaabo 2007 illa iyo hadda ururka argagixisada Alshabaab ayaa ah kuwa aan u naxarisan dumarka, caruurta ,odayaasha iyo guud ahaan dadka rayidka.