we

Akhriso Warqad uu Usama Bin Laden u diray Axmed Gudane uu Mareykanka shaciyay

Filed under: SOMALIA NEWS |

Mogadisho:(A.M.Network) Dukumintiyo la sheegay in laga soo helay guriga uu ka degenaa Osama bin Laden dalka Pakistan ayaa waxaa ku jirey qaar uu kaga hadlayay arrimaha ururka Alshabaab ee dalka Soomaaliya ka dhisan.

Osama bin Laden ma uusan dooneyn in uu u aqoonsado si cad ururka Alshabaab isla markaana uu ururkaa qeybka noqdo ururweynaha Alqaacida, waayo waxa uu aaminsanaa in haddii taas lagu dhaqaaqo in ay u soo jiidi karto in ururkaas ay ku soo jeestaan “cadawga” balse bilo kadib dhimashadiisii Alqaacida iyo Alshabaab waxa ay ku dhowaaqeen inay midoobeen.

Warqad laga soo helay guriga Osama ayaa waxa uu u direy hogaamiyaha Alshabaab Mukhtar Abu Zubeyr waxana uu kula taliyey ku dhowaaqista midowga Alqaacida iyo Alshabaab, hase yeeshee lama hubo in warqadaa ay gaartay Abu Zubeyr iyo in kale.

Bin Laden waxa uu qoray in ugu dambayntii dunida ay ogaan doono midowga Alshabaab iyo Alqaacida, balse qofna inuusan taa cadeyn u heleyn haddaan si rasmi ah loogu dhowaaqin midowgaas.
“Haddii si cad loogu dhowaaqo banaankana u soo baxdo, waxaa taasi ka faa’ideysanaya cadowga oo xoogiisa isugu geyn doona dhinaciina sidiiku dhacday walaalaha Aljeeriya iyo Ciraaq,” ayuu bin Laden ku qoray warqad kamid ah dukumintiyadii la soo bandhigey khamiistii.

Sabab labaad oo uu bin Laden ku macneeyey in la qariyo midowga Alshabaab iyo Alqaacida ayaa waxa uu ku sheegay in ganacsatada carabta ay siin doonaan kaalmo badan dadka Soomaaliyeed ee dhibaatoyinka abaaraha iyo saboolnimada haysato balse haddii ay ogaadaan in Mujaahidiinta Soomaaliya joogto ay xiriir la leeyihiin Alqaacida in ay kaalmadaas goynayaan ururada Carbeed.

Warqadan ayaa ku taariiqeysneyd 7dii Aug. 2010. Waxayna u muuqatay inay ahayd mid looga jawaabayo warqad ka timid Abu Zubey kaasoo ururka Alshabaab uu ku soo qaaday in lagu dhowaaqo isbahaysi rasmi ah.

Sagaal bilood kadib dhimashadii Osama hogaamiyaha cusub ee Alqaacida Ayman al-Zawahri ayaa soo duubay cajalad video ah uu ku sheegayo in ururka Alshabaab uu la midoobay Alqaacida, taas oo ay ka muuqato in hogaamiyaha cusub uu qaatay mowqif ka duwan hogaamiyihii ka horeeyey ee Osama bin Laden.

Aasaasihii ururka Alqaacida ayaa marka uu ku qorto qoraalada computerkiisa waxa uu ku keydsan jirey flashdrives ama aalada wax lagu keydsado taasoo qof la aaminay loo dhiibi jirey si uu u geeyo halka la doonayay in la gaarsiiyo farriinta. Hase yeeshee lama oga ayaa la leeyahay in Abu Zubeyr ay soo gaartay farriintan gaarka ah ee uu Osama qoray.

Hogaamiyaasha Alshabaab ayaa waxa ay hore ugu baaqeen inay la midoobaan Alqaacida waxayna soo saareen cajalad Video ah sanadkii 2009kii taas oo loogu magac daray “At Your Service Osama!” isla sanadkaasna Osama aya cajalad video ah soo duubay taasoo uu ku dhiirigelinayo kacdoonka ka jiray Somaliya.

Iyadoo uu ku taliyey in aan si rasmi ah loo shaacin midowga labada urur ayaa hadana waxa uu Osama u muuqday in uu taageerayay fikirka midowga balse waxa uu jeclaa in ay sir ahaato oo aan la shaacin.

Ururada ka dhisan dalka Soomaaliya si weyn ugama aysan hadlin qoraaladii toddobaadkan la soo bandhigin, hase yeeshee waxaa jirey tixraacyo badan oo tilmaamayay in Osama uusan la dhacsanayn qaabka uu ururka Alshabaab wax u maamulo iyo sida ay dambiyada qaarkood ay ugu soo rogaan ciqaabta.
Ku dhowaaqista rasmiga ah ee midowga ururada Alshabab iyo Alqaacida waxa ay u muuqatay in lagu doonayay in sare loogu qaado ururadaa oo ay sii yaraanaysay taageerada ay shacabka ku dhex leeyihiin iyo iyagoo wajahaya weeraro milatari oo xoog leh.

Al-Shabab ayaa cadaadis xoog leh waxaa uu kaga imanayaa ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Afrika ee ku sugan caasimada Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamada Ethiopia iyo weliba kuwa Kenya halka uu ururka Alqaacida qaati ka taagan yahay weerarada dayuuradaha Droneska loo yaqaan oo dad badan oo muhiim ah kaga diley dalka Pakistan.

Inta jeer ee la aqristay :49

Arlaadii waa hoyga wararka Soomaaliyeed

www.arlaadii.net

arlaadii@hotmail.com

wardiile2011@hotmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>