we

Go’aamo ay Soo Saareen Guddiga Farsamada Shirka Kismaayo

Filed under: SOMALIA NEWS |

1Kismaayo: Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacad ka hor halkaasi kusoo idlaayay Shir Muddo socday oo ay halkaasi ku lahaayeen Guddiga Farsamada Shirweynaha Maamul u sameynta Gobbolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirkaan ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha KMG ee Maamulka Kismaayo ahna Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweyne-nimo ee Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulanka oo ahaa mid deg deg oo ay isugu yimaadeen Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Jubbalanad ayaa waxaa laga soo saaray Qobodo la xariira Qaab u socoshada Shirka, Tirada Isimada ka qeyb galeysa iyo Xilliga uu furmayo shirka Ergada.

Qodobada qaar ee kasoo baxay Shirka oo inoo suura gashay in aynu helno ayaa u qornaa sida tan.

In ergooyinka ay shirarkooda uu bilowdo Maarso 4 2013

In Gobolo ama Deegaan wax lagu qeybsado

in 30 Isim oo ka koobmaan dhamaan beelaha wada dega Goboladaas.

Jubbada Hoose waxaa ay heleen 14 Isim.

Jubbada Dhexe waxaa ay heleen 8 Isim

Geddo waxaa ay heleen 8 Isim

Shirkaan deg dega ee Gelinkii danbo ee Maanta ka dhacay Kismaayo ayaa kusoo beegma Xilli Maalintii Khamiista Markii uu furmay Shirweynaha Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ay Guddiga Farsamada ku dhawaaqeen in Ergooyinka shirka ay fasax yihiin illaa iyo Maalinta Isniinta ee 3 March, iyadoona Guddiga Farsamada aysan micneen waxa keenay in Shirka Ergooyinka uu Furmo 4 March.

Sidoo kale Shirka Maanta ayaa waxaa uu kusoo beegmaya Xilli shirkaasi uu ka hor yimid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, isla Markaana Maanta uu Muqdisho ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen xubno matalaya 5beelood ee Soomaalida kuwaasi oo taageeray go’aanka Saacid ee ahaa in shirka Kismaayo uusan aheyn mid waa faqsan Dastuurka dalka.

Arlaadii Waa u Adeegaha Bulshada Soomaaliyeed

www.arlaadii.net
arlaadii@hotmail.com

One Response to Go’aamo ay Soo Saareen Guddiga Farsamada Shirka Kismaayo

  1. Ra’iisalwasaaraha wuxuu wado waa sheekadii adeerkiis oo kale aniga waxaan ogolaan masoconaayaan ookale taasina waa tii nabaday 22 sano dowlad la’aan

    Axmed
    March 3, 2013 at 2:43 pm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>