Muqdisho: Qaraar qabyo ah oo kasoo baxay Golaha Amaanka ee QM, ayaa lagu sheegay in Muddo 1-sano ah la qaadi doono Cuna-qabateynta Hubka ee saaran dalka Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay Wakaalada Wararka ee Reuters, Qaraarkaan ayaa lagu sheegay in uu yahay mid lagu tijaabinayo in dalka Soomaaliya dhamaan laga wada qaari karo Cuna-qabateynta Hubka iyo in kale.
Inkastoo la sheegay in Xubnaha Golaha Amaanka ee QM ku kala qeyb-san yihiin Qaraarka qabyada ah ee Hubka loogu qaadayo dalka Soomaaliya ayaa hadana waxaa dadaal xogan arrintaasi ugu jira sidii Xayiraada Hubka loo qaadi lahaa Dowlada Mareykanka.
Maalinta Arbacada ee fooda inagu soo heyso ayaa lagu wadaa in Cod bixin loo qaado Qaraarkaan ah in Xayiraada Hubka Muddo 1-sano ah laga qaado dalka Soomaaliya.
Muddada 1-sano ayaa la sheegay in lagu hubin doono Hubka galaya Soomaaliya in uu si toos ah gacanta ugu gali doono Gacanta Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo inkale, sidoo kalena 1-sano la doonayo in Ciidamada Dowlada ay Awoodooda ku xoojiyaan.
Arlaadii Waa u Adeegaha Bulshada Soomaaliyeed
www.arlaadii.net
arlaadii@hotmail.com