we

Baladweyn oo xalay ka dhacay dagaal aan waxba lisula harin

Filed under: SOMALIA NEWS |

Mogadisho:(A.M.Network) Wararka ka imaanaya Magaalada B/weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya iyo Xarakada Shabaab ayaa ka dhacay bartamaha magaalada, iyadoo dagaalka ahaa mid la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo muddo saacad ku dhow socday ayaa ka dambeeyay markii Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda ku lahaayeen Xaafada Howlwadaag, iyadoo kadib uu qarxay dagaal fool ka fool ahaa.

Dadka Magaalada ayaa hurdada uga toosay hubka noocyadiisa kala duwan iyo rasaasta xoogeeda oo aheyd mid si aad ah uga dhaceyay xaafadaha magaalada, waxaana dagaalka ahaa mid ku fiday qeybaha kale ee magaalada, sida Buundo Weyn.

Inkastoo ay adag tahay in la ogaado qasaaraha ka dhashay dagaalka, maadaama xilli habeen ay aheyd, hadana wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro qasaare labada dhinac kala gaaray.

Sarkaal u hadlay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ilaa afar dagaalyahan ka dileen, isla markaana ay ku daba jiraan kuwii kale ee soo weeraray, waxaana uu beeniyay in dagaalka ka dhacay gudaha magaalada.

Xaalad Bandow ayaa saaka ka jirta magaalada, kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay gudaha magaalada isku faafiyeen, iyagoo howl galo ka wada.

Dagaalkii xalay ayaa ahaa kii ugu cuslaa mudooyinkan ka dhaca magaalada tan iyo wixii ka dambeeyay markii dhamaadkii sanadkii hore ay Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya la wareegeen Magaalada B/weyn.

Inta jeer ee la aqristay :42

Arlaadii waa hoyga wararka Soomaaliyeed

www.arlaadii.net

arlaadii@hotmail.com

wardiile2011@hotmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>