we

Haweeney 5 caruur heysatay oo lagu gowracay hosungow

Filed under: SOMALIA NEWS |

Mogadisho:(A.M.Network) Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Hosingow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya deegaanada ku hareereysan Hosingow lagu Gowracay Haweeney ganacsato ahayd oo ku dhaqneed Deegaanka Hoosingow.
Haweeneedaan ayaana la sheegay in gacanta ku dhigeen Labo Nin oo la tilmaamay in Al-Shabaab katirsanaayeen kadibna ee Gowraceen kana tageen iyada oo gowracan oo qoorteeda la ag dhigay.

Dilka Al-Shabaab u geesteen Hooyadan Soomaaliyeed oo Heeysata 5-Caruur ah oo aabahood dhintay ayeey ku eedeeyeen in Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya kusugan Deegaanka Hosingow ka iibiso alaabo ee Suuqa kaga ganacsato sida uu sheegay Maxamad Sheekh Cabdi oo kamid ah Taliyaasha sar sare ee Ciidanka Dowlada ee Gobolada Jubooyinka .

Falkan ayaa dhacay gelinkii dambe ee shalay waxaana la arkay meydka haweenaydan oo la ag dhigay madaxeeda.

Sarkaalkan ayaa xusay in Duugta Hooyadan Soomaaliyeed in ay gacan weyn ka geysteen sidoo kalana ee ku hoolanyihiin sidii ay gacan u siin lahaayeen Caruurta ee ka geeriyootay Hooyadaas Soomaaliyeed.

Shabaabka ilaa iyo hadda kama aysan hadlin sababta ay u gawraceen islaantan iyadoo aysan ka mid ahayn Dowladda KMG ah oo Shabaabka u yaqaanan koox gaalo ku xiran waa sida ay aaminsan yihiin.

Inta jeer ee la aqristay :30

Arlaadii waa hoyga wararka Soomaaliyeed

www.arlaadii.net

arlaadii@hotmail.com

wardiile2011@hotmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>