we

MAN CITY Oo 44 Sanno Ka Dib Ku Guuleysatay Horyaalka Premier League

Filed under: SPORTS NEWS |

Mogadisho:(A.M.Network) Manchester City ayaa si tariikhi ah oo lama ilaawaan ah ku guuleysatay horyaalka Premier League markii ugu horeysay muddo 44 sanno ah ka dib, ka dib markii ay 3-2 kaga badiyeen kooxda QPR iyagoo labo gool helay dhamaadkii ciyaarta taasoo gacanta u gelisay horyaalka Premier League.
Waa tartankii ugu xiisaha badnaa ee tariikhda horyaalka Ingariiska, waa maalin aan sinaba lagu ilaawi doonin, ilaa daqiiqadii 90aad ee ciyaartii Manchester City waxaa horyaalka uu u jiheysanayay Manchester United madaama ay 1-0 kaga badiyeen Sunderland, iyadoo markaas 2-1 lagu lahaa Man City.

Lakiin labo gool oo ay kala dhaliyeen Eden Dzeko iyo Segio Aguero ayaa Manchester City u xalaaleeyay horyaakoodii ugu horeeyay tan iyo 1968dii.

Inta jeer ee la aqristay :26

Arlaadii waa hoyga wararka Soomaaliyeed

www.arlaadii.net

arlaadii@hotmail.com

wardiile2011@hotmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>