we

Zanaawi oo tageeray qorshihii Puntland rawana in lagu qabto shirka An saxinta Dasturka, Dalka Itoobiya

Filed under: SOMALIA NEWS |

Mogadisho:(A.M.Network) Itoobiya oo khilaaf dhinaca dhulka kala dhaxeeya Soomaaliya ayaa qabanaysa shir looga hadlaya arrimaha Dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo xilliga kala guurka ah.
Maamul Goboleedka Puntland ayaa doonaya in shirkan lagu qabto Magaalada Adis ababa si ay Itoobiya gacan ugu geysato xalinta qodobada Dastuurka.

Maamulka Puntland kuma qanacsana Dastuurkan qabyada ah ee la filayo in dhawaan la meel mariyo waxayna ka soo horjeedan qodobo ka mid ah Dastuurka.

Shirka ka dhacaya Adis ababa ayaa waxaa uu salka ku haaya in Itoobiya ku cadaadiso Madaxda kooxaha ka qeybgalaya shirka in dastuurka qodobadiisa wax laga bedelo.

Saxiixayaasha heshiiska Road-mapka ayaa lagu wadaa in dhowaan ay ku shiraan magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya iyagoo ka wadahadli doona arrimo ku saabsan sidii loo dhamaystiri lahaa marxalada kala guurka ah.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in uu isku haleynayay R/wasaare Cabdiweli iyo wasiirka dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil oo labaduba ka soo jeeda beelaha dega Puntland balse ay ka qancin waayeen dastuurka cusub qodobo ka mid ah. Maamulka Puntland ayaa waxa uu aaminsan yahay in uusan dastuurkuku cadeyn qaabka awood qeybsiga dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Sidoo kale Faroole waxaa uu doonaya in doodaha taagan kaga faa’ideysto in uu ku jeediyo siyaasiyiinta isaga ka soo horjeeda isagoo markaas raba in waqtiga loo kordhiyo

Inta jeer ee la aqristay :25

Arlaadii waa hoyga wararka Soomaaliyeed

www.arlaadii.net

arlaadii@hotmail.com

wardiile2011@hotmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>