Mogadisho:(A.M.Network) Sida ay bbc da Laantada afka Soomaaliga u sheegtay gabar ka mid aheyd ergada ka timid dalka Mareykanka oo ka qeybaglaysay shirka kasocda Istanbuul waxaa uu shirka maanta ku sigtay inuu gabi ahaan uu bur bur ku yimaado shirka kadib markii xubno ka qeybgalayay shirka ugu yeeran Shariif Xasan Sheekh Aadan Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya naaneystiisa oo ah Shariif Sakiin.
Ergadii ka socotay Digil iyo Mirifle ayaa ka baxay shirka iyagoo ka carooday magaca loogu yeeray Shariif Xasan oo ay ku tilmaameen in loo gafay hogaamiyahooda ugu sareeya Siyaasadda.
Zaynab Maxamed Xasan oo galabta u waramaysay BBC da waxay sheegtay in markii dambe arrinta la xaliyay kadib markii odayaal ka socday Beelaha, Daarood, Hawiye, Dir iyo beesha shanaad ay u tageen beelaha Digil iyo Mirifle kadibna ay ka xaal mariyan wixii dhacay.
Shirkii maanta ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Dastuurka iyo arrimo kale.
Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa isugu tagay odayaal dhaqmeedyada waa weyn soomaalida, Ururada Bulshada rayidka iyo qurba jooga soomaalida waxaana la weydiistay inay ka soo tala bixiyan mustaqbalka dalka soomaaliya.
Inta jeer ee la aqristay :85
Arlaadii waa hoyga wararka Soomaaliyeed