we

Faroole iyo Caalin ayaa shaaciyay in ay u kicitimayaan Istanbuul si ay ugu qeyb galaan shirka ahalkaasi ka socda

Filed under: SOMALIA NEWS |

Mogadisho:(A.M.Network) Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay ka qeyb galayaan shirka Istanbul ka dhacaya horaanta bishan, kadib markii Axadii la soo dhaafay ay si wada jir u qaadaceen ka qeyb galka shirkaas.
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da inay la xaliyay waxyaabihii ay tabanayeen, haatana ay isku diyaarinayaan inay u kicitimaan dalka Turkiga.

“waa tii shirka ka qeyb galkiisa ka soo saarnay war murtiyeed in aan ka qeyb geli karin, waxaan shaki ka qabnay kuwa qeybaha bulshada ee Muqdisho laga keenay, kuwaasoo dadka yaga ka maqan yihiin, qaabka loo maamulayay, sida aan dareensanahay in masiirka mustaqbalka soomaaliyed, oo aan loo dhamaaneyn qeybtaas baan cabasho ka qabnay, arrintaas waa ka wada hadlay toos ayaa uga wada hadlan wixii aan ka qabanay, iyo sida wax u maamuleen waa isla meel dhignay go’aana ku gaarnay inaan shirkaas ka qeyb galno”ayuu yiri Madaxweyne Faroole.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ay la kulmeen Mas’uuliyiinta Safaarada Turkiga iyo saraakiil ka socotay Wasaarada Arrimaha Dibada, isla markaana ay wax walba ku kala qanceen, markii wixii ay tabanayeen la xaliyay.

“Anaga iyo Wasaarada Arrimaha Dibada si toos uga wada hadalnay wixii aan tabaneynay, Istanbul ayaana toos u tageynaa, anaga Turkiga inaan si toos uga wada hadalno nabadeynta Soomaaliya door ayaan ku leenahay anaga iyo reer Galmudug waa u wada soconaa”ayuu yiri.

Laakiin waxaa uu sheegay howsha socota ee Road Map-ka in aan wax laga bedeli karin, isla markaana aan la keeni karin howl cusub oo siyaasad ahaan karin, isagoo xusay inay ku koobnaato kaliya ra’yi, waxaana uu ka dalbaday Turkiga in sidooda loo ixtiraamo Heshiisyadii Garowe, Galkacyo iyo kii Addis Ababa.

Mr Faroole ayaa sheegay in labo diyaaradood ay joogaan Galkacyo, Boosaaso iyo Garowe, halkaasoo uu sheegay inay ka soo qaadayaan Ururada Bulshada rayidka iyo odayaasha dhaqanka, waxaana uu intaa ku daray in galabta isugu tagayaan Jabuuti, halkaasoo uu tilmaamay in caawa diyaarad Turkiga soo dirtay ka wada qaadi doonto.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegay in isaga iyo C/raxmaan faroole ay isla wada joogaan, isla markaana si guud ahaan uga qeyb galayaan

“waa isla joognaa waa wada fadhina, si guud ahaan warka u soo jeedinay sidii oo kale waaye, wax gaar ah aan wadanay ma jiraan, waxaa ka wada cabaneyno qaabka wax loo sameeyay iyo la tashi la’aanta, hadana sidaas noogu dhamaatay markaa wada tashanay”ayuu yiri Col. Caalin.

Col. Caalin ayaa sheegay in hal diyaarad ay isla raacayaan, balse ay labo maamul kala yihiin, sida uu yiri.

Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii war saxaafadeed ay si wada jir uga soo saareen Magaalada Addis Ababa ay ku qaadaceen inay ka qeyb galaan shirka Istanbul, iyagoo qoonsaday qaabka odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada uga qeyb galayaan shirka iyo tuhuno ay ka qaadeen in Barnaamijka Road Map-ka ee danta u ah in la hareer marayo.

Inta jeer ee la aqristay :90

Arlaadii waa hoyga wararka Soomaaliyeed

www.arlaadii.net

arlaadii@hotmail.com

wardiile2011@hotmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>