we

Kala firdhatkii hor joogayaasha Al-shabaab & meesha ay ku sugan yihiin

Filed under: SOMALIA NEWS |

Muqdisho:(A.M.Network) Horjoogayaasha Maleeshiyada Alqaacidada Soomaaliya iyo caa’iladooda ayaa qalqal weyn oo dhinaca amniga ah soo wajahay kaddib markii gacantooda ay ka baxeen magaalooyin waaweyn oo istaraatiji ah oo ku yaalla gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose halkaasoo ay billaabeen haatan iney ka baxsadaan deegaanadii ay ku harsanaayeen.
Kooxda Al-Shabaab oo sida caadada u ahba si tartiib tartiib ah uga sii ruqaansata magaalooyinka ay ku sugan yihiin marka uu soo fuulo culeys millatari ayaa haatan billaabay iney rartaan qalabkoodii u yiilay magaalooyinka ay kaga sugan yihiin gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellooyinka siday noo xaqiijiyeen dad  ku sugan deegaanadaasi.

Niyad jabka Al-Shabaab ayaa sii xoogeystay markii ay ku fara adeegi waayeen magaalooyin istaraatiiji u ahaa oo ay ka mid yihiin magaalooyinka af-madow iyo Afgooye oo ku kala yaalla gobolada Jubbada Hoose iyo Shabeellada Hoose, Jen. Cabdi Mahdi oo ka mid ah saraakiisha ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa ka warramaya muhimadda ay leeyihiin magaalooyinka Afgooye iyo Afmadow.

Dhaqdhaqaaqyadan oo si cad looga dareemayo magaalooyinka Kismaayo, Marko iyo deegaanno kale oo ku yaalla gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellooyinka ayaa dadka halkaasi ku sugan waxay sheegeen iney indhahooda ku arkeen qaar ka mid ah gaadiidka xamuulka oo ay maleeshiyada Al-shabaab ku guurayaan, gaar ahaan xilliyada habeenkii.

Qof ka mid ah dadka ku nool bartamaha magaalada KIsmaayo ayaa Radio muqdisho u sheegay inuu arkay qalabkii idaacadda ku hadasha afkooda oo dhulka la dhigay,iyadoo geeddigaasna ay qeybka yihiin caa’ilada horjoogayaasha Al-shabaab kuwaasoo laga fogeynayo deegaannada ay ku soo dhowaadeen gulufka colaadeed, waxeyna tani marqaati cad u tahay sida aysan al-Shabaab dan uga lahayn maatida kale eekudhaqan magaalada, kuwaasoo mararka qaarkeed ay ku qasbaan dadka rayidka ah ineysan barakicin marka ay cabsi dareemaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Geeddi oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya ayaa meesha ka saaray in hadda kaddib ay maleeshiyada Shabaab isku qariyaan gobollada Jubbooyinka.

Maleeshiyada al-shabaab oo xaalkoodu jahwareer u muuqdo ayaa waxaa sidoo kale dhowaan laga fara maroojiyey deegaano hoostaga gobolka Shabeellaha hoose oo ay ku jirto degmada istaraatiijiga ah ee Afgooye, haalkaasoo ay hawada ka baxday idaacaddii baahineysay danahooda gurracan oo ku taallay deegaanka Ceelasha Biyaha taasoo sida qasab ah dhagaha shacabka ugu shubi jirtay warar aysan xamili Karin.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Sh. Maxamed Nuur ayaa sheegay in horjoogayaasha alqaaciddada Soomaaliya iyo caa’illadoodii ay inta badan isaga baxeen gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii howlgalladii ugu dambeeyey lagu wiiqay awooddii Al-Shabaab.

Dhinaca kale, waxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Baardheere eegobolkaGedo oo ay ku sugan yihiin haraadiga AlShabaab, iyadoo maagaaladaasi ay labada dhinac kaabiga kaga hayaan ciidammada dowladda, dhinaca gobolka Gedoilaa 30-km aya  ciidammada u jiraan magaalada Baardheere, halka dhinaca Bay-na ay ciidammada dowladdu wax kayar 50-km u jiraanBaardheere.

Inta jeer ee la aqristay :41

Arlaadii waa hoyga wararka Soomaaliyeed

www.arlaadii.net

arlaadii@hotmail.com

wardiile2011@hotmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>