Mogadisho:(A.M.Network) Dadka ku dhaqan degmada Marka ayaa cabsi xoogan la soo deristay, kadib markii saacadihii u dambeeyay la arkay diyaarado qumaatiga u kaca oo dul heehaabayay hawada,
Sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka diyaaradahan oo ahaa dhowr diyaarado oo kuwa Helicopters loo yaqaan ayaan ku soo dhowaan magaalada, hase yeeshee dadka ayaa arkayay iyagoo heehaabayay dhinaca xeebta.
Wararka laga helayo Magaalada Marka ayaa sheegaya in Shabaab ay bilaabeen feejignaan markii guuxa diyaaradahan la maqlay, hase yeeshee ma jirin wax iska caabin ah oo ay kala hortageen.
Maalmihii u dambeeyay ayaa Saraakiisha sar sare ee Shabaab ku qul qulayeen magaalada xeebta ku taal ee Marka, kadib markii laga qabsaday degmada Afgooye iyo deegaanada loo barakacay.
Wal walka dadka ku dhaqan Magaalada Marka ayaa ah in duqeymo ay geystaan diyaaradaha aan cidi wadin ama kuwa qumaatiga u kaca, waxaana xalay la maqlayay guuxa diyaaradaha wax basaasa oo sanadihii u dambeeyay dadka ay hurdada ka ladi waayeen guuxooda.
Mareykanka oo shaaciyay abaal marino lacageed cidii soo sheegta 7-ka tirsan Hogaamiyeyaasha Shabaab ayaa madaxooda la dul dhigay ilaa 33-milyan, waxaana dadka qiyaasayaan in diyaaradahan ay la xiriiraan arrimahaas, baadigoob ay ku jiraan.
Inta jeer ee la aqristay :81
Arlaadii waa hoyga wararka Soomaaliyeed