Warning: Declaration of DropDown_Nav_Menu::start_lvl(&$output, $depth) should be compatible with Walker_Nav_Menu::start_lvl(&$output, $depth = 0, $args = Array) in /customers/9/4/e/arlaadii.net/httpd.www/wp-content/themes/worldwide-v1-02/include/plugin/dropdown-menus.php on line 177 Warning: Declaration of DropDown_Nav_Menu::end_lvl(&$output, $depth) should be compatible with Walker_Nav_Menu::end_lvl(&$output, $depth = 0, $args = Array) in /customers/9/4/e/arlaadii.net/httpd.www/wp-content/themes/worldwide-v1-02/include/plugin/dropdown-menus.php on line 177 Warning: Declaration of DropDown_Nav_Menu::start_el(&$output, $item, $depth, $args) should be compatible with Walker_Nav_Menu::start_el(&$output, $item, $depth = 0, $args = Array, $id = 0) in /customers/9/4/e/arlaadii.net/httpd.www/wp-content/themes/worldwide-v1-02/include/plugin/dropdown-menus.php on line 177 Warning: Declaration of DropDown_Nav_Menu::end_el(&$output, $item, $depth) should be compatible with Walker_Nav_Menu::end_el(&$output, $item, $depth = 0, $args = Array) in /customers/9/4/e/arlaadii.net/httpd.www/wp-content/themes/worldwide-v1-02/include/plugin/dropdown-menus.php on line 177 wararka maanta-arlaadii.net » Mukhtar Robow oo Raja Xuma Kasoo foodsaartay Tartanka Doorashada Koonfur Galbeed

Mukhtar Robow oo Raja Xuma Kasoo foodsaartay Tartanka Doorashada Koonfur Galbeed

Muktaar Robow Abuu Mansuur aya raja xua kadoo food sarat Maadame ay aheyd inuu u tartamo doorashada Koofur Galbeed.
Rooboow, ayaa Baydhabo uga dhawaaqay todobaadkii hore inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, Doorashada waxey dhaceysaa 17-ka bisha danbe ee November.

Waxaa jiray culeysyo soo fuulayay Roobow maalmihii danbe, Iyadoo culesykii u horeeyay uu kaga yimid dhanka Dowladda oo iska diiday Musharaxnimadiisa, waxeyna sabab uga dhigtay Cunaqabateynta Beesha Caalamka oo aan wali dhamaanteed la qaadin.

Sidoo kale, waxaa jiray cadaadis Odayaasha Koonfur Galbeed ay saarayeen Roobow, Waxaana Odayaasha ay warqad Ashtako ah u gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Malaaq Deerow Yaqcuub Sheekh oo ka mid Odayaasha ugu waaweyn Koonfur Galbeed, ayaa u cadeeyay Dowladda Dhexe iyo Baarlamaanka Koofur Galbeedba, inaysan dooneynin in Roobow ka mid noqdo dadka u tartamaya doorashada Baydhabo.

Madaxda ugu sareysa dalka, ayaa Malaaqa iyo Odayaasha kale ee KGS waxey u cadeeyeen inay qaateen talada Odayaasha Dhaqanka, dadaalna ay ku bixinayaan sidii Roobow looga hor joogsan lahaa inuu u tartamo doorashada.

Inkastoo Abuu Mansuur uu rumeysan yahay inuusan wax weyn ka keeneenayn doorashada Baydhabo, ayaa hadana qaar ka mid ah La Taliyeyaashiisa waxey ku cadaadinayaan inuu Tartamo, dhegna jalaq uusan u siin fariimaha isdaba jooga ah ee soo gaaraya.

Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur), oo soo noqday Ku xigeenkii Hogaamiyaha Shabaab iyo sidoo kale Afhayeenka Ururkaasi, ayaa bishii Augosto ee sanadii hore soo gaaray Muqdisho.

Imaatinkiisa Muqdisho, waxey ka danbeysay markii dagaal aan kala joogsi laheyn ay ku qaadeen Shabaabka ku sugan Gobolka Bakool, waxaana tiro ka mid ah askartiisa looga dilay dagaaladii ka dhacayay deegaanka Abal iyo nawaaxigeeda.

Roobow, markii uu yimid Muqdisho, wali kuma dhawaaqin inuu isaga baxay Shabaab, Cafisna ma weydiisan dadkii uu dhibta u geystay mudadii uu duurka ku jiray, waxaana sidii ay dowladda u heysay laga war helay Isagoo Musharax Madaxweyne ah.

Abuu Mansuur, ayaa durbaba la soo baxay isbadalo cusub, waxaana marka uu Khudbadaha jeedinayo gadaal ka istaaga Nin ookiyaalo Madoow wata, kaas oo lagu sheegay inuu Rooboow ilaalo u yahay, waxeyna taasi muujinaysay sida uu ugu dhiiran yahay inuu Musharax noqdo

Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net

Leave a Reply

*