Muqdish:(A M Network)Madaxweynaha Dowlada KMG somaliya iyo wafdi la socday ayaa manta gaaray qeybo badan oo katirsan Gobolka Shabelaha Dhexe.
Deegaanada uu booqday waxaa kamid ahaa Qalimoow, Garsaale, Balcad iyo deegaano kale halkaasi oo uu kula kulmay qeybaha bulshada.
Waziiro xilibaano iyo mas’uuliyiin kale ee la socday madaxweynaha ayaa si wada jir ah waxa ay ula kulmayeen shacabka deegaanada ay booqanayeen iyagoo ka wareysanayay xaalada ammaanka.
Safarka Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxa uu ugu kuur galayay xaalada amaan isagoo shegay in inta ka dhiman gobolka Gacanta lagu soo dhigi doono.
Waa markii labaad ee uu madaxweyne Shariif Booqasho ku tago qeybo Kamid ah Gobolka Shabelaha dhexe gaar ahaan degmada Balcad.
Shalay ayey eheyd markii uu Madaxweynaha booqasho ku tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabelaha Hoose sidoo kalana uu kulamo kula soo qaatay dadka deegaanadaasi.
Arlaadii waa u adeegaha Bulshada Soomaaliyeed