Ururka Al Shabab oo si xooggan kaga soo horjeeddo dowladda kmg Somalia ayaa ku hanjabay inay weerari doonan isla makraasna ay dili doonaan cid kasto oo ku lug lahaato arrimaha ansixinta Dastuurka iyo xulista Baarlamaanka Somalia.
Afhayeenka Dhanka Ciidamada Alshabab ayaa ku han jabay inay dili doonaan cid walba oo kaqaybqaadatay ansixinta Dastuurka Soomaaliya .
Sh. C/caziis Abuu Muscab ayaa shegay in ay la dagaalamayaan qof waliba qaabka uu doono ha uga qeyb qaatee lug kulahaa Shirkii Dastuurka.
“Cid walba oo ka qeyb qaadatay shirkii Diin gaaleedka lagu ansixinaayay waa la dilayaa xukunkiisana waa dil meel kasta ee uu joogo” ayuu yiri Sh. C/casiis Abuu Muscab.
Shalay ayaa AL Shabab sheegatay qarax ismiidaamin ah oo labo nin ay doonayeen inay isku qarxiyaan halka uu ka socday ansixinta Dastuurka.
Hadalkan ka soo yeeray Xarakada Al Shabaab ayaa waxa uu ku soo aadayaan xili shalay si rasmi ah loo ansixiyay Dastuurka Cusub.