Waxaa daqiiqado ka hor dhamaaday ama la cararay orodka dheer 1500m ee wiilasha waxaana kamid ahaa dhalinyaradii cararaysay wiil soomaliyeed oo lagu magacaabo maxamed xasan Maxamed oo kamid ah labada ciyaaryahan ee Somalia u matalaysay ciyaaraha Olombikada adduunka ee London ka soconaya.
Inkastoo uu tartan la galay Maxamed Xasan Maxamed(Teeyoo) ciyaaryahano caalami ah ayaa wuxuu daqiiqadii iyo wareegyadii hore uu u ku jiray kaalimaha dhexe laakin markii la gaaray qeybtii ugu dambeysay kaliya hal ciyaaryahan uu ka dambeeyay.
Maxamed ayaa galay kaalinta 12-aad ee qeybta uu ka cararay waxaana kaalinta 1-aad galay ciyaaryahan sacuudiyan oo lagu magacaabo maxamed Shaween halka 2-aad uu galay ciyaaryahan Qatar ah oo isna lagu magacaabo Xamza,kaalinta 3-aad waxaa galay ciyaaryahan Turki ah oo lagu magacaabo Tanui.
Qeybta ciyaaryahanka Somaliga uu ku jiray waxa kasoo baxday lix xidig oo oo u kala dhashay dalalka sacuudiga,Qatar,Turki,Kenya,Canada iyo great Britain,
Ciyaaryahanka somaliyeed ayaa waxa ka daba maray kaliya ciyaaryahan u dhashay Yemen iyo mid Marooko ah oo kaalimaha 14-aad iyo 15=aad kala galay.
Labadaan ciyaaryahan ee maxamed Xasan iyo Zamzam ayaa maanta keenay natiijo aan wanaagsanayn iyadoo labadoodaba ay maanta calanka Somalia ay ka dhex muujiyeen fagaaraha ciyaaraha caalamka.