Maqaal : Ma Xaq Baa In Beelaha Hawiye Markey Doonaan Ay Dagaal kusoo Qadaan Gobolka Shabeelaha Hoose Laayaanna Shacabka?

Dadka ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose ayaa u badan dad beeraley ah oo akhyaara aan dagaal jecleeyn islamrkaana u dulqaata dhibaato walba ay ku sameeyaan Mooriyaanta Beelaha Hawiye ee ku sugan halkaasi  oo iyagu caadeystay inay gumeeystaan oo sideey doonaan ka yeelaan dadka ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose maadaama ayna iska dhicineyn iyagoo ka baqayo in dagaal uu dhoco ama dhibaato loo geeysto sidaa darteedna iskaga fogeynaa wax walba oo dhib ay ugu geeysan karaan mooriyaantan oo in mudda ahba haystay Gobolka Shabeelaha/h  iyagoo xoog iyo anaa kaa abood roon u sheeganayo masaakiiintan aan hurdadaba kasoo kaceyn tan iyo dagaaladdi iyo burburkii ka dhacay wadanka .

Mooriyaantan isbaheeystay ayaa cadeeystay inay dhac ,boob iyo dil inay u geeystaan shacabka ku dhaqan gobolkaasi oo aanba laga soo qaadin ineey iyagu leeyihiin dhulka iyo guryaha ay deganyihiin iyadoo waliba loogu mahadcelinayo dil ,bililiqo,iyo dhiigooda oo mudda sanadooyin ah bilaa micno loo daadinayo ,waxaa intaas dheer  in inta badan degmooyinka ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay maamulaan dad aan iyagu kasoo jeedin degmada islamrkaana ay gudoomiye ka noqdaan xilalakoo dhanna qofkay doonaan umagacaaba kadibna canshuuraadka iyo dakhliga soo galo aan lagu dayactirayn wadooyinka ,dadka danta yar ee ku dhaqan degmadaasi iyo wax la mid ah .

Inta Badan waxaa dhacdo haddii ay  shacabka ku dhaqan  gobolka shabeelaha hoose ka hadlaan xuquuqdooda ama ay ka biyo diidaan moorayinta ku dhaqanka halkaasi  in la aamusiyo oo xoog loo sheegto amaba sida inta badan ay sameeyaan hadduu gudoomiye ka noqodo Gobolka qof aan aheyn beelaha Hawiye in  la weeraro isagana aan iska difaaci karin maxa yeelay waa qof kaliya dadkanna waa beelo isu tagay oo kaliya diyaar u ah in amarkooda lagu shaqeeyo waxay doonaan la yeelo haddii kalana ay dagaal ama dhiig daadinayaan iyagoo degmada ka bilabaa dhac iyo bililiqo nabad galyo xumo habeenkii oo aan la socon karin degmada taasna loola dan leeyahay ineey tusaan shacabka ku dhaqan degmadaasi in la’aantooda aanay wax soconeyn markii hore ay degmada nabad galyadeeda fiicneeyd maxaa yeelay markaas dhibaatada hada lagu sameynayo laguma sameyneyn oo lacagtooda ayaa lagu aamusinaayey cml  laakin haddii uu qabto qof xaq u leh inuu gudoomiye ka noqodo degmada sidaas iyo si ka daranba loo galayo illaaa uu qofkii heshiis ay wada galaan oo la dhoho intaas oo lacag ah waa inaad miiska soo saarta maalin walba meeshaa doontaba ka keen haddii kale nabadgalyo xumada waa si kordheysaa iyo wax la midah , haddii kalana booska aad baneeysa ama wixii kugu dhoco anaga mas’uul kama nihin ,miskiinkii wuxuu isku dayaya inuu laba kala daran mid dooro uu sameeyo ama inuu ka dago xilka uu iska casilo si booska uu ugu banaanaado mooriyaantan baneeystay dhiiga iyo xoolaha islaameed isagoo u cabsanayo naftiisa iyo tan qoyskiisa ayaa wuxuu go’aan ku gaarayaa inuu sidaas iskaga tago kaasna waa qofka la leeyahay waa qaabili karaa mooriyaantan oo dadkiisa waa ka dhicin karaa amaa kan kale wuxuu ogolaanaa inuu heshiiskii ay usoo bandhigeen lagalo islamrkaana maalin walba iyagoo raaxadooda qaba ay lacagtooda ka qaataan xarunta kaasna waa kan ugu daran ee ceebeeyay dadka dega Gobolka Shabeelaha Hoose waayo waa magac u yaal wax uu yahay lama arko amar kale ayuu ku shaqeeyaa asagii ayaaba dadka u shaqeeynaa iska daa inuu dadka degmada wax u qabto.

Dhanka kale tan maanta taagan aan usoo laabto waxaa maalmahan kasoo cusboonaaday gobolka Shabeelada Hoose dagaalo ay iclaamiyeen Beelaha Hawiye kaas oo lagu daadinayo dhiiga dadka ku dhaqan gobolka shabeelaha hoose  kana dhacay magaalada Marka .Shalanbood ,No50 iyo meelo kale kuwaas oo loola danleeyahay anaa kaa abood badane iga dambeey hadii kale waan ku dili taasna masoconeyso maxaa yeelay waxaa arintaasi ka xumaaday wax laga xanaaqana u arkay Beesha Biiyamaal oo iyagu  mudda ka hor uu dagaal ku dhexmaray kooxahan iyo iyada gobolka Sh/H  kaas oo markii u danbeysay lagu wada hadalsiiyay labada dhinac islamrkaana la dejiyay xiisaddii taagneyd ayaa haddana waxaa soo cusboonaaday mid hor leh oo lagu daadinayo dhiiga beeralayda ku dhaqan gobolkaasi aan diyaar u aheyn in dhulkooda lagula dagaalo oo dhiigooda lagu daadiyo si walababa dagaalkan ayaa ugalay maalintii 6aad islamrkaana majiro wax ay ka qabatay dowladda federaalka soomaaliya .

dowladda soomaaliya oo lagu shegayo inay tahay dowladdi dhexe islamrkaana u horseedo shacabka nabaddda iyo xasilinta dalka ayaaba u horkaceyso oo ayadaaba ka dambeyso dagaalada ka socda Gobolka sh/h oo waxay garabsiisaa Mooriyaantan is soo baheeystay ee duulaanka kusoo qaaday gobolkaasi iyadoo lagu dilayo dadkan masaakiinta ah hubkii dowladda ee loogu talagalay in lagu difaaco ummada balse ma dhicin taase waxaa dhacday in iyagu lagu laayo taasna waxay caqabad iyo ceeb weyn ku tahay dowladda Federaalka Soomaaliya .

Dadkan ayaa lagu heeystaa guyahooda ,beerahooda iyo xuquuqdooda ay iyagu xaqqa u leeyihiin wa su’aalee edebdaradaan aan dhamaaneyn maxay tahay ?wax walba waa ineey bilow iyo dhamaad lahaadaan laakin dhibaatada lagu haayo shacabka Gobolka/sh/h maba ahan mid dhamaad leh soomaaliduna waxay dhahdaa” ishiisa lagu arkaa ushiisa lagu tumaa” in waqtigeey doonaan ay duulaan kusoo qaadaan shacabka taasna waa wax aad looga xumaado qof walba wuxuu leeyyahay dhul uu ku dhashay islamarkaana kasoo jeedo ee beelaha hawiye maxaa ka si eh mise xoogooda majabo oo ma dhamaado awood unbeey dadka ugu faanaan marwalbee waxaan dhihi lahaa dadka ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose yaan beesha Biiyamaal Kaligooda lagu deynin Dagaalka eey Beelaha Hawiye si wada jir ah usoo wada qaadeen + dowladda marka waa inaad indhihiinu furtaan hadaa tihiin dadka ku dhaqan gobolka Sh/H oo si wada jir ahna iskaga caabisaan cadowga duulaanka idinku soo qaaday iyaguba dagaalka kama cabsadaane idinkana jabaab kulul ka bixiya dagaalkan oo waxay rabaan dad wax tusa ee wax tussa  idinkuna maxaa yeelay tan kanaqasho malahan ee waa inaad naftiina iyo maalkiina u hurtaan dadkiina iyo dhulkiina aad idinku xaqqa u leedihiin.

Qore:  Sihaam Suuban

Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net
webmaster@arlaadii.net / Arlaadii@hotmail.com

Leave a Reply

*