Halganka Lagu Hiigsanayo Gobonimo Buuxda Oo Laga Doortay Gunimo

Aniga oo ku hadlaya magaca Xisbiga Dadka waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u soo gudbinayaa hambalyada lagu xusayo maalinta mudan farxada oo ah kowda Luuliyo oo ku aadan sannadguurada 54aad ee ka soo wareegtey kadib halgan ay shacabka Soomaaliyeed isaga xoreeyeen gumeystaha reer Yurub oo madaxbanaanidooda ay ka xayuubsadeen 1960. Gobonimada la qaatay 1960kii waxey ahayd mid aan dhameyn, maxaa yeelay dalka hogaankiisa waxaa isaga dambeeyey madax heybta ka ah Soomaali, habdhaqankooduna ka liito maamulkii gumeysiga. Inkastoo dalka uu helay aqoonsi caalamiya inuu yahay dal madaxbanaan, haddana marna ma suurtoobin in Soomaaliya ay gaarto madaxbanaani dhinaca siyaasada, dhaqaalaha iyo bulshada, waxaana sabab u ah madaxda dalka hogaamineysa oo aan maskaxda ka xoroobin, Shacabkana baday iney marxalado kala duwan ay soo marto oo dantooda ay u magangalaan u adeegida danaha shisheeye.

Wadamada shisheeye si ay u gaaraan danahooda waxey raadiyaan iskaashiga hogaamiyeyaasha uu dhintay damiirkooda wadaninimo, waxeyna talooyinkooda ay soo go’aansadaan ku soo bandhigaan mid lagu muujinayo inay wadato madaxda dowladda dalka, iyaguna ay taageersan yihiin. Wadan shisheeye ah oo awooda ma jiro inuu si toosa ugu meeriyo danahiisa uu ka leeyahay dal kale, laakiin waxaa darajada heerkaas gaarsiisan gacanta u geliya wadamada shisheeyaha shaqsiyaadka horkacaya hogaanka shacabkooda oo dan mooda madax salaaxa iyo xodxodashada shisheeyaha iney ku gaarayaan fursadaha ay ku doonayaan meel marinta danahooda shaqsiyadeed oo ku aadan gaarista coodasho dhaqaale. Dalka Soomaaliya waxaa hadda la soo gudboonaatey in wadamada deriska iyo kuwa fog iyaga oo adeegsanaya hayado caalamiya iyo kuwa u abaabulan qaab goboleedka ay madaxda Soomaalida u soo yeeriyaan go’aamada ay rabaan oo ka turjumaya maslaxda danahooda.

Waxey madaxda dowladu ku guuldareysteen in ay dib u soo celiyaan maamulada dalka intiisa kale ka xarig furtay iyo dhismaha maamul loo sameeyo gobolada aan lahayn maamulka oo shacabka degaankoodu ay soo doortaan,kuna soo xushaan rabitaankooda. Waxaa dalka dib uga curan waayey amniga iyo kala dambeynta sharciga, waxeyna taas ku dhalisay shacabka in aysan dowladu ku shaqeyneyn rabitaankooda, laakiin ay doorbideen madaxdu kalsoonida ay ka helayaan shisheeyaha oo ay ku shaqeeyaan meel marinta rabitaankooda.

Taas oo u suurto gelisey in wakiilada beesha caalamka ay shacab iyo amiiraba u noqdaan madaxda sare ee dowladda. Sida muuqata madaxda dalka waxey kala doorteen ama iney u guntadaan howlgalinta rabitaanka shacabka ama iney mudnaanta siiyan danaha shisheeyaha rabitaankooda.

Waxaa u muuqatay madaxdaas in shacabka Soomaaliyeed uu yahay sabool aan maanta canshuur looga dhergo laga heleyn, sidaas daradeedna si ay u badbaadsadaan korsigooda,una helaan abaalmarin dhaqaale ayey door bideen iney u howlgalaan fulitaanka rabitaanka shisheeyaha. Danahaas waxaa ka mid ah in Kenya iyo Itoobiya ay talada lagu maamulayo Soomaaliya ay ku yeeshaan mug weyn, si taas loo hirgeliyana ay wax ka dhisaan hayadaha dowladda Soomaaliya iyo maamulada loo sameynayo gobolada dalka, kuwaas oo ay ku dhex yeeashaan wakiiladooda laga talo qaato.

Wadamada ugu awooda weyn beesha caalamka waxey talowadaag ku gaareen in Soomaaliya loo gumeeyo wadamada deriska la ah oo sida xoogan ugu xiran danahooda, waxeyna gaarista ujeedooyinkooda u soo mareen iney meel mariso hayadaha caalamka iyo kuwa gobolada oo ay dhaqaale badan ugu maalgeliyaan mashruucyada lagu naas nuujinayo shaqsiyaadka iyo kooxaha laga leeyahay qorshaha fog oo lagu hiigsanayo dhalanroga iyo dhaqanroga bulshada, looguna diyaariyey sidii ay u cirib tiri lahayeen dadaalda ay wadaan dadka ay ku dambeyso u danqashada maslaxda shacabka Soomaaliyeed oo ay weli ku weyn tahay damiirka wadaninimada iyo madaxbanaanida ismaamulka Soomaaliyeed. Qorshahaas waxaa horseed u ah nidaamka federaalka ku dhisan heybta qabyaalada lagu sii kala googeynayo shacabka Soomaaliyeed oo dhulal waaweyn ay horay ugu maqan yihiin wadamada deriska la ah, kuwaas oo abaalmarin ugu helay sida ay u raacsanayeen danaha gumeystaha reer Yurub.

Madaxda hadda ka talisa Soomaaliya waxey dalka hormood ugu noqdeen iney dalka u horseedaan gunimo lagu dhantaalayo gobonimada iyo madaxbanaanida qaranimada Soomaaliyeed. Taas waxey dhagar aan qarsooneyn ku tahay halgankii loo soo maray  madaxbanaani iney Soomaalidu isku maamusho oo aayaheeda mustaqbalka ay si buuxda uga tashadaan. Fashilka ay kala kulmeen hogaaminta Soomaaliya waxey dalka dhaxal siisay marxalad adag oo ay dalka dib ugu soo xoogeystaan joogitaanka ciidamada wadamada deriska, dagaalo ay sababeen maamulxumida dowladda, macluul iyo gaajo haysata dadka, dhulka jamhuuriyada oo ah dhaxal ay leeyihiin Soomaalida oo dhan oo muuqda hadda in dhulka beelo loo kala yeesho, iyo barakicin qowmiyada Soomaaliyeed looga sifeynayo dalka Kenya. Waxaa hubaal ah iney dhumiyeen kalsoonida shacabka, tan bulshada caalamka, iyo mida dhexdood ah. Shacabka oo aan waxtar haba yaraate aan ku haysan dowladda ayey  madaxdaas guuldareysatay haddana waxey ku soo kordhiyeen shacabka Soomaaliyeed  oo nololxumo ugu dhex silicsan dalka gudahiisa walaacyo badan oo reebtay murugooyin laga dhex dhaliyey dadka rayidka ah oo saboolnimo ku wada noolaa degaanada dalka, dhibaatooyinkaas oo salka ku haya curinta maamulo aysan  madaxda dowladu dadka degaanada kala tashan oo loo soo agaasimey qaab falaaganimo oo madax qowleysato ah loogu abuuray si loo raali geliyo rabitaanka wadamada deriska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Itoobiya oo danahooda ku ilaalsanaya maamuladaas muquuniska lagu curiyey, laakiin shacabka ku abuuray dib ugu soo noqoshada dagaaladii hubeysnaa ee u dheexeeyey beelaha oo qaarkood maanka looga xaday gelinta maskaxdooda in lala doonayo beelahooda sidii loogu xalaaleyn lahaa lahaanshaha milkiyada dhulalka ay u dagaalamayaan.

Waxaan ka digeynaa in xalka laga baadi goobo xoog salka ku haya beelnimo oo soo dedejisa burburka dowlada taagta daran iyo iney abuurmaan xasardo soo celiya dagaalo dhexmara beelaha wada dega oo masiibooyin dhaliya. Inkasta oo dowladda lagu soo dhisay hab qeybsi ku dhisan qabiil, haddana cid walba oo ka tirsan dowladda waxey u xuubsiibatey masuul qaran oo wadasheyn ay kala dhexeyso madaxda hayadaha dowladda oo keliya. Waa wax aan ku habooneyn dhaqanka dowladnimada iyo muqaalka masuuliyiinta qaranka in ay hoosyimadaan hogaamiyeyaasha qabiiladooda ama ay ku shaqeeyaan amarada beeshooda. Waxaa loo baahan yahay in dhibaatada ka dhalatay hogaanxumida madaxda sare in lagu xaliyo qaab siyaasadeed oo loo maro wakiilada shacabka iyo golaha wasiirada, kuwaas oo shacabka ay wakiilka ka yihiin xanuunka ay ka tirsanayaan dowladda  iney u horseedaan xalintooda, iyaga oo dareenkooda gaarsiinaya madaxda, qaab siyaasadeedna ugu dhex dagaalamaya dowladda dhexdeeda si looga qanciyo eedeymaha ay beeluhu ka tabanayaan xukuumadda, looguna soo dhiciyo xaquuqaha ka maqan oo ay doonayaan in loo soo celiyo. Xalka wanaagsan wuxuu ku jiraa in cabashada rayidka lagu muujiyo banaanbaxyo nabadeed iyo qoraal lagu soo cabirayo cabashooyinka ay tirsanayaan qeybaha ka midaka ah bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa intaas ka waxtar badan in shacabka Soomaaliyeed oo ku mideysan danaha ku dhisan ku wada noolaashaha degaankooda in iyaga oo ka madaxbanaan dowladda ay dhistaan maamulada degaankooda, kuwaas oo kala ah goleyaasha degaanka, gudoomiyeyaasha degmooyinka, iyo gudoomiyeyaasha gobolka. waxaana lagula talinayaa ineysan wakhti isaga dhumin dhisida gole wasiiro oo ay yeeshaan maamulada dowladaha gobolka, taas oo fududeyneysa dhismaha maamul kooban oo ku hawlgala dhaqliga yar oo ay ka soo xareystaan maaliyada ay ka helaan canshuuraha ka soo gasha adeegyada ka jira degaankooda.

Dhamaan dhibaatada dalka ka taagan oo dhan waxey ku soo biyo shubaneysaa hogaanxumida madaxda sare ee dowladda. Waxaa meesha ka maqan geesinimada ay madaxdaas ku qaadan lahayeen tilaabada ku haboon oo ah iney u hogaansamaan guuldarada ka dhalatay taloxumadooda oo ay iska casilaan xilalka ay ku fashilmeen qabashadooda,una tanaasulaan sidii ay dowlada hadda jirta ay u sii hano qaadi lahayd, fursadna ay u siin lahayeen hogaamiyeyaal cusub. Waxaa loo baahan yahay maanta in shacabka Soomaaliyeed iyo wakiiladoodu aysan u kala harin in hal meel looga soo wadajeesto riditaanka madaxdaas fashilantay oo aan la fiirin heybta qabiilka ay ka soo jeedaan masuuliyiintaas aan dooneyn iney xilka si sharaf leh uga degaan. Waxaa fure u ah meel marinta isbedel lagu sameeyo madaxda sare ee dowladda in loo midoobo xil ka qaadista madaxweynaha si ay u quus qataan kuwa ku xiga oo ismoodey amiiro aysan shacabku ridi karin, kuwaas oo si dhaba u dareemi doona xanuunka ay ku hayeen shacabka Soomaaliyeed marka ay la kulmaan waayoaragnimo ay si toosa ugu quus qaataan, taas oo dhaxal siineysa maankooda inaan raadinta kalsoonida iyo meel marinta rabitaanka shisheeyaha aan dal lagu hogaamin karin. Markaas kadib waxaa haboon in la doorto nidaamka dowladnimo oo ay hogaaminayaan madaxweyne iyo ku xigeenkiisu si  madaxda dowlada ay uga badbaado isqabqabsiga dhexdooda ah, dalkuna uu sidaas ku yeesho hogaamiye qura oo looga dambeeyo socodsiinta hawlaha xukuumada.

Dr. Saciid Ciise Maxamud

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

saciidciise258@aol.com

Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net

webmaster@arlaadii.net /
Arlaadii@hotmail.com

Leave a Reply

*