Dowladda Koonfur Galbeed Oo La Taageero Waxey Qeyb Ka Tahay Midnimada Dalka‏

Dowladda Koonfur Galbeed oo la taageero waxey qeyb ka tahay Midnimada Dalka ka dib burburkii dowladdii dhexe waxaa Dalka ku soo duulay dowladu shisheeye iyo hayado caalami ah ku waasoo isku day badan u sameeyey sidii ay u kala qeybin lahaayeen Dalka, kadib wuxuu galay Dalka marxalad aad u adag oo qof kastoo damiir waddaninimo ku jirto uu dhayalsan karin taasoo aheyd in heer la gaaray in qofka Soomaaliga ah
uusan u gudbi karin gobalka uusan u dhalan ama deegaanka uu uusan ku aheyn illaa uu gaaray qofkii lagu arko meel uusan u dhalan lagu arko la iibsanayo ama naftiisa uu weynayo.

Intaas ka dib waxaa marag ma diido aheyd siyaasiyiinta koonfur dadaalkii adkaa ay u galeen in marnaba dhibaatadaasi bulsha weyntii soomaali oo dhan saameysay in la joojiyo waxey geed gaaban iyo geed
dheer u koreen joojinta dhibtaas.

Heyadihii dalka kala qeybinayay iyo dowladihii shisheeye waxey abuureen hogaamiya kooxeedyo kuwaasoo loogu tala galay in lagu laayo dadka Soomaaliyeed iyagoo lasoo siiyay hub iyo lacago.

Hogaamiya kooxeedyadaas waxey isla markii ku dhaqaaqeen duulaanno ay ku duulayaan gobalada qaarkood iyagoo adeegsanaya inta ay u arkeen iney ku daneysan karaan sida qabiilka.

Waxaaa magaalada beydhabo duulaan weyn ku qaaday maleeshiyaadkii ceydiid uu hogaaminayay, wax kastoo ahaataba runtii meysan lasoo kulmin maleeshiyadii markaas duulaanka soo qaaday ee hogaanka u hayay
ceydiid, waxeyna soo arkeen dad isku xiran oo Soomaalinimada ku weyn tahay iyo mabda Soomaaliweyn aaminsan.
siyaasiyiintii ku sugnaa beydhabo waxey bilaabeen iney abaabulaan shirar loogu arrinsanaayo aayaha Soomaaliya oo markas qatar ku jiray,siyaasiyiintaas waxey magaalada beydhabo ku casuumeen magaalada Beydhabo odayaal dhaqameedka,siyaasiyiinta kale ee aan ku sugneyn beydhabo, dhalinyarada iyo cid kastootalada waddanka qeyb ku leh.

Shirarkaas muddooyin badan markey socdeen waxey isla garteen in Soomaaliya halahaan kadib lasii qeybin oo inta hadda la isleeyahay ka gaar ayey leeyihiin in loo sameeyo maamul mideysan, waxey aheyd
natiijadii soo baxday in lagu dhawaaqo Dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya kaasoo madaxweynihii loo doortay uu noqday siyaasi caan ah in badan Dowladda lasoo shaqeeyay ahna aqoonyahan karti u leh howlaha
maamulka Mudane Madoobe Nuunow Maxamed.

Guushaas waxaa ku farxay inta damiirka Soomaalinimada ku jirto isla markiina waxaa soo dhaweeyay qaar ka tirsan siyaasiyiinta iyo jaaliyada.

Haddaba Dowladda Koonfur Galbeed waxaan leenahay waddada wey qodxa badan tahay waxey u baahan tahay dulqaad, dadka Koonfur Galbeedna waxey idinka sugayaan ku dhaqista Cadaalad, Sinnaan iyo Horumar.

Qore Abdinasir Mohamed Haji
E-mail.abdinasir966@yahoo.com

abdinasirmx@gmail.com

Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net

webmaster@arlaadii.net /
Arlaadii@hotmail.com

Leave a Reply

*