Al-shabaab Ha Iska Sheegto Waxa Innagu Dhacaya Laakiin Waan Naqaan Cidda Ina Wax-yeelaynaysa! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

Al-shabaab iyo Jinni iyo cid kasta oo wax inoo dhintaa annagu wixii ina dilayaa waa inoo cadow, wixii ina khyaanaya waa inoo cadow, wixii ina handdadaya waa inoo cadow, cid kasta oo ina argagixisaa waa inoo cadow! Dhimmashadu waa lahubaa oo cid kasta oo dhalatay maalin bay dhimanaysaa, waxaase su’aal ka taagantahay aad nin dishidee isaga sababta aad u dishay miyeey la dhimanaysaa?!…wallee Soomaaliya waa ay rogantay cid loo aaneeyeyna ma laha…waa Yaab! Xil-dhibaan baan ka hadlaynaa iyo shakhsiyaad!….Alle ha u naxariisto cid kasta oo dhimatay sabab ay is lahayd ummaddaan Islaamka ah ee Soomaaliyeed ku badbaadi…aad baan uga xumahay !….

Niman bistoolada wata oo afka soo duubtay baa dilay! Niman bistoolada wata oo ku libisan dareyskii ciidammada baa dilay! Oo maxaa diiday inay ahaayeen ciidammada laftooda?! Oo maxaa diidaya inay ahaayeen ciidammada AMISOM?! Oo maxaa diidaya inay ahaayeen ciidamo kale oo ka tirsan Sir-doonnada tirrada beelay ee Muqdisho jooga? Maxaa diidaya?! Yaa looga baqayaa qofka la doonayo in la dilo?! Dad-weynaha reer Muqdisho arrintu siyaasad ma aha iyo siyaasi, odayaashii dhaqanka ayaa jooga, wax-garad baad leedihiin, aqoonyahan baad leedihiin, ganacsato ayaad leedihiin maxaad garowshiinyo u haysaan waxa maalin kasta dadka ku dhacaya Muqdisho, adinkoo ah dad-weynihii magaalada ku noolaa?!….

Waa ceeb! Inaydaan ka diirin wax maalin kasta waxa ka dhacaya Muqdisho ummadnimmada iyo qoomiyadnimmadii Soomaaliyana lagu sii baa’binayo, Al-shabaab wax la dhaho ma jiraan, magaca nin dhintay baa maalin kasta layngu dulminayaa, Maxed Maxamuud Xayd Alle ha u naxariisto isaga keliya dulmigaas kuma dhicin, waa dulmi ummadda oodhan ku dhacay! Maxaa ina helay? Al-shabaab waa magac aad loo cayiliyay, Al-qaacida ayeey xiriir la leeyihiin, waa argagixiso caalami ah, aduunka ayeey halis ku yihiin! Laakiin agacooda waxaa loogu tala galay in annaga Soomaalida ah keliya lagu wax-yeeleeyo…..

Qof kasta oo la dilo maalinka la dio unbaa Al-shabaab lagu eedeeyaa, maalinta xigtana waa la cambaareeyaa waana la aasaa, wax intaas dheer marna cid looma qabato dilalka noocaan ah, wax daba gal ahna laguma sameeyo, cid sii raadisa ama xog ururisa oo la ogyahay ma jirto, taasi waxay ku tusaysaa in cidda wax dishay la yaqaan ayna tahay cidda aan ka sugaynay inay wax baarto! Haddii aysan ahaynna waa cid ay taaqaan oo ay ka cabsanayso….

Dowladda la yiri dalka ayeey maamushaa illaa iyo hadda waxba kama sheegin dilkii Alle ha u naxariistee Xil-dhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Faysal)oo December6, 2013kii lagu dilay illinka madaxtooyada…Balse ka waran duulaankii bishii February 21keedii lagu qaaday xarunta madaxtooyada, ee lagu dilay Alle ha u naxariistee madaxii xafiiska ra’iisal wazaaraha Maxamuud Xirsi Cabdulle iyo taliye ku-xigeenkii hore ee nabad sugidda Gen. Nuur SHirbow?!…Walle nin walba SHaki!…arrintu shaki ma aha, ee bal ka waran side laysugu helayaa inaad tiraah madax-weynihii ummadda ayaan ahay, madaxtooyadii aan deggenaa iyo xafiiskaygii Al-shabaab baa ku soo duulay, duulaankaas labo bil kadibna waxaan cafis u fidiyay taliyihii ciidammada asluubta oo isagu maxkamad ku heshay inuu ahaa Al-shabaab?!….Walle Timiri Laf Baa Ku Jirta!…cidda wax laynaysa bal hoos ha loo fiiriyo oo waa in la helaa dad si madax banana u baara xogta raadiya, dadkooda iyo dalkooda u sheega waxa jira, waxaase iyada meesha ku jirta ma la hubaa Xasan SHiikh inuu isaga cafiyay ninkaas isagoo madax-banaan?!…

Midda kale Xasan SHiikh wuxuu ku dooday inuu xaq u leeyahay inuu cafiyo ninkaas taliyaha ciidanka asluubta ahaa oo taas ka mid tahay awoodaha madax-weynaha, hasa yeeshee hal buu ka boodayaa madax-weynaha ma cafin karo qof wali halis ku ah qaranimmada iyo jiritaanka ummadda, Gen. Cabdi Maxamed Ismaaciil ma aha ilmo yar oo la khalday, ma aha askari dagaal lagu qabtay, ee wuxuu ahaa sarkaal khayaanay xilkii lagu aamanay, lana saftay cadow qaranimmada Soomaaliya khatar ku ah (Al-shabaab) oo isagoo xiskiisu dhanyahay u bareeray arrintaas, mana jirto awood qaynuun oo lagu cafin karo qof noocaas ku sifaysan.

Midda kale, cafinta madax-weynaha macnaheeda ma ah mid shakhsiyadeed ee waa inay salka ku haysaa sabab wax laga dheefayo sii daynta danbiilaha noocaan oo kale ah, sida in kooxdiisa uu nabad ka keenio, ama xataa qaar ka mid ah ugu yaraan ….madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud maxaa u qarsoon?!…ma la hubaa inuu rumaysanyahay inuu madax-weyne Soomaaliyeed yahay?… kolayba waxa socdaa waxay aad ugu egyihiin dhaqankii kooxdii Guutadii Casyd (Red Brigade) ee mafia-da ahayd ee sannadihii toddobaatameeyadii dalka Talyaaniga xoogga ku lahayd!…..

SHeegashada Al-shabaab cid kasta oo la dilo ama is-qarxisaa ma la hubaa inay sugantahay?! Aan qiyaasno arrinta, kolayba waxaan hubaa dowladda aan isku halaynayno inaysan isku mashquulin arrintan ama siyaabo kale wax u khaldanyihiin, oo yaa ka war haya wax jira?! SHacabkii magaallada jooga noloshaa lagu mashquuliyay, Al-shabaab macnaha magacaas qolo kasta oo wax disha baa al-shabaab la leh oo dhinac kasta noloshii dadka ku ciriryay oo naftii isugu keenay, dhinac askar mar askar dowladeed ah, markay doonaan burcad ah, markay doonaan Al-shabaab ah, markay doonaan.. waxay doonaanba noqonaya….

Meeshu waa HAlaq Mareen, bal adigu qiyaas dabeecaddaan! Waxaa intaas kuu dheer noocyada kale ee burcadda ah ee jooga magaalda, ciidan qab-qable oo is nabaya, tuugo caadi ah, ciidan ganacsato, ciidamo beeleed, ciidamada AMISOM, ciidamo shisheeye oo isagu jira Military iyo sir-doon oo aan cid ay u tirsanyihiin la arag, ama cid taqaan aysan jirin, ciidankee maqan? dhammaan noocyada ciidammadaas mid aan wax dilin oo aan ummadda xaq-daro ku hayn oo aan dulminayn kuma jiro, hasa yeeshee dhammaan waxa ay dilaan waxaa sheegta Al-shabaab! Sababta ma taqaan?!…yaaba is gaaray?!

Noocyada ciidammada aan soo sheegnay dhammaantood wuxuu mid walba leeyahay qaar iyaga ka mid ah oo ka tirsan ururka Al-shabaab, waa laga yaabaa in xubnaha ciidammada dowladda ka tirsan eek u jira Al-shabaab aan la aqoon, sidaasoo kale waa laga yaabaa inaan la aqoon xubnaha ka tirsan ciidamo beeleedka eek u jira Al-shabaab,…. laakiin midda muhiimka ah waxay tahay in ciidammada iyo sir-doonka dalalka shisheeye ay leeyihiin ciidamo iyaga ay adeegsadaan oo Soomaali ah isla markaasna ka tirsan Al-shabaab oo marka ay hawl-gal fuliyaan Al-shabaabka magaciisa sheegta, waan qayb ka mid ah sababaha loogu cimri dheerayniyo massakiinta qaaqaawan ee garashada iyo xil-kasnimmadaba ka arradan ee Al-shabaab….AMISOM baa isticmaasha,ganacsatada ayaa isticmaasha, waa ciyaar aad wasakh u ah oo dhiigga dadkeenii lagu baneystay!….

Waxaan aad uga walaacsanahay madax-weynaha Xasan SHiikh Maxamuud iyo waziirkiisii hore ee amniga ee uu hadana ka dhigtay la-taliyaha arrimaha siyaasadda Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed in intee la eg bay nadiif ka yihiin arrimaha socda?! Anigu ma malayniyo inaysan wax ka ogeyn, marka aad fiiriso xiriirka sokeeye ay la leeyihiin dowladda Qatar, marka aad fiiriso sii daynta taliyihii hore ee ciidanka asluubta oo maxkammad ay ku heshay danbiga ah inuu Argagixisada Al-shabaab la shaqayniyay iyo waliba marka aad fiiriso aamusnaanta barlamanka iyo sida uu qiimo daranyahay codkooda!….

Al-shabaab inama dilin ee waa laynagu dilay, waxaase muhiim ah inaan intaas ogaano oo aan caqligeeda ku shaqayno, arrintan wax cadayn ah oo aad raadinayso uma baahna laakiin ninkii doonaa waa is-indho tiri karaa, Al-shabaab waa dad u badan dhalin yaro, intooda badan aan wax waayo aragnimo ah lahayn, ka soo jeeda mujtamaceenna weyn ee Soomaaliyeed, waan qiyaasi karnaa noloshooda, waxay ku noolyihiin dalka Soomaaliyeed ee muddada rubac qarniga ah burbursan, ee isagii gargaarka ku nool, maxaa soo gali kara haddii ay yihiin sida la rabo in laynoo fahamsiiyo oo inay yihiin khtar iyo halis weyn oo aduunka dhibaato ku haysa, hadiise la leeyahay annagaa sidaas u samaynay waa af kale, hasa yeeshee Al-shabaab dadkoodii gaajaa laysay, waa sabool, ilo dhaqaale oo ay wax ka soo baxaan ma laha, xudduud walba dowlado Soomaalinimo col kula ah intaa la gaarin inay Al-shabaab yihiin baa ka deggan, dadkii ay ka dhasheen ee Soomaaliyeed heshiis lama aha hadana awood baa loo waayay wax kastana iyagaa idinku samayniya!…..Jawaari iyo kuwa ag fadhiya waan hubaa way cabsanayaanee taas ma qabaan!……

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net
webmaster@arlaadii.net / Arlaadii@hotmail.com

Leave a Reply

*