Hogaan Aan Awoodin Inuu Hogaamiyo Wadan: {QASAARO}

Maalinba maalinta ka dambeeysa waxaan arkeeynaa in xukumadaan aysan lahayn aragti iyo karti lagu hogaamin karo wadan bur bursan oo la doonaayo in dib loo dhiso. Si uu dib ula soo laabto sharafkii uu hore ugu lahaa aduunka.

Umadda Soomaaliyeed inta badan maanta waxay aaminsan yihiin in xukumadaan uu hogaaminaayo Hassan Sheikh Mahmuud aysan awoodin inay la timaado siyaasad ay ku hogaamin karto wadan, inta badan waxay aaminsan yihiin siyaasadda xukumadaan ay sii kala fogeeysay shacabka Soomaaliyeed, tasoo laga cabsi qabo in wadanka uu dib ugu noqdo dagaal sokeeyey.

Waxaa kaloo shaqadiisa gabay Gudoomiyaha Barlamaanka Jawari oo ahayd inuu la xisaabtamo xukuumadda oo aad moodit inuu u dhaqmaayo sida madaxwayne ku xigeen oo kale, markastana u taagan fulinta siyaasadda xun ee ayku dhaqmeeyso xukuumadaan.

Hadaba waxaa haboon inay umadda Soomaaliyeed ka fikirto sideey uga gudbi lahayd mushkiladaan uu hada abuuray Hasaan Sheikh Mahamud iyo xukumadiisa, si loo helo xukuumad hanankarta kalsoonida shacabka, wadatana aragti siyaasadeed oo lagu badbaadin karo midnimada iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed.

W/Q Sheiknor Abukar Qasim

Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net

webmaster@arlaadii.net /
Arlaadii@hotmail.com

Leave a Reply

*