Jihaadka Madaxdu Isugu Shahiidayaan Hanashada Sadaqada Boqortooyada

Madaxda ugu sareysa dalka waxaa ka dhexqarxa jihaad xoogan markasta oo ay timaado meertada ku soo aadey madaxda dalka oo ay ku soo gudanayaan waajibaadka Xajka oo ay dabataalo amuurqadashadooda u gaarka ah, waxeyna doodoodu ku soo dhamaata ismarinwaa ka dhasha cida u baxeysa dalka oo boqortooyada gacanta soo marinaysa. Marka xaalkoodu halkaas marayo waxey madaxdu si kala gooniya ay si isdabajooga codsiyo ugu dirtaan adeegaha labada Xarameyn. Cida codsigeeda la aqbalo ayaa liibaanta oo loo ogol yahay iney boqorka gacantiisa soo dhunkato si uu u soo helo sagootiska boqortooyada iyo sadaqooyinka loogu talagalay dadkiisa saboolka ah. Cida la soo galbata guusha ay ka soo hoyso gudashada Hajka iyo soo qaadashada lacagta laga soo furtay gacanhoorsiga boqortooyada kama hesho libin ay si xurmo leh ugu intifaacdo, waxeyna kala kulantaa magacxumo ay ku xardhan tahay xatooyo xoolo dadweyne oo saboola, isiseegid saaxiibada hoose oo ay danwadaagta ku yihiin qeybsiga xoolaha boqortooyada laga soo furtay, iyo jihaad culus oo kala dhexeeya madaxda kale oo ay ka go’an tahay iney ku shahiidaan helitaanka qeybtooda libaax haddii kalana la waayo wadashaqeyntii u dhaxeysey oo ay weliba wax walba ka doorbidayaan iney dowladdu dhacdo oo dhamaantood ay xilalkooda ku waayaan. Waxaan shaki lahayn kan soo qaaday, kan la soo qaaday, kan la og, iyo kan qaatey inuusan midna ku qanacsaneyn qeybinta sooryada iyo sadaqada boqortooyada laga soo qanimeystey. Hadda ka hor ayaa laba nin waxey xiligii gumesiga Talyaaniga ka dhaceen lacago ka buuxdey juunyado, waxeyna tirsi ugu dhaqaaqeen lacagtii, markii ay tiradu dhaaftay leg iyo laxmar ayey garan waayeen si ay u sii tiriyaan waayo waxaa ka dhamaatay ereyadii ay af Soomaaliga ku fahmi lahayeen si wadida tirada, waxaana soo kala dhexgalay muran ku saabsan qeybsigeeda, markaas kadib ayey go’aansadeen in lacagtaas ay tahay xoolo jini mar hadiiba ay gudubtey xadkii tirsiga af Soomaliga meesha ugu dambeysey, waxeyna sidaas lacagtii ugu celiyeen dowladda Talyaaniga oo markii ay uga warameen sida ay wax u dhaceen abaalmarin u siiyey tiro lacaga oo ay fahmi karaan iyo qof walba oo ay siiyeen qeybtiisa. Waxaan la hureyn in qeybinta lacagtaas aan looga maari doonin xaqsooreyaasha deriska oo cid walba siinaysa qeyb naaqusa oo ay mid walba la wadaagayaan qeybta ku soo aada, kadibna si siman haddana ugu qeybinaya ceebaha ay ku muteysteen xatooyadooda.

Waxaa la is weydiinayaa xoolahaas ay madaxdu gacmahooda ku soo hoorsadaan lahaanshaheeda ma waxaa xaq u leh masuulka u soo dhabaradeygay xaqiirnimada tuugsiga mise shacabka masaakiinta ah oo uu magacooda ku soo tuugsaday? Tuugsiga loo adeegsanayo magaca Soomaaliyeed waxaa wax ku yaboohsada shaqsiyaad wadaniyiin ah, kuwo shisheeye, iyo hayado caalamiya oo caalamka xoolo badan uga soo urursada, waxaana ka yaal xeer aan qorneyn oo ah in la ceebeeyo cidii ay si qaawan ugu cadaato xatooyada xoolahaas, laakiin sidoo kale waxaan qorneyn ama aan la qeexin in ciqaab lagu muteysanayo xoolahaas lagu soo helay yaboohsiga haddi si xirfadeysan loo xado. Waxaa jirey qiso laga soo sheegay nin mar hore ku soo leexday masaajid uu ka socdey xus oo markii uu weydiiyey loo sheegay inuu xusku yahay mowliid dabadeedna ninkii oo yaaban uu yiri nolol ayaan ku ogaaye goormu dhintay, dadkii oo iyaguna ninka la yaaban ayaa ninkii waxey u keenayn koob yar oo ay ku jirto qaxwo oo dadka dhan loo wada qeybinayey, waxaana lagu wargeliyey ninka iney tahay sadaqo, ninka oo sadaqada hamuun u qabey macaankeeda ayaa intii yarta aheyd oo koobka ku jirtey hal mar afka ku ritey, waxaana ku adkaatay inuu soo tufo ama laqo, waxeyna dantu biday inuu isdhaafiyo. Markii uu si caro leh xuskii uga dhexcabtay ayaa wadaad xoog weyn ninkii banaanka uga soo hantatiqiyey masaajidka, dhulkana uu jilbaha ugu dhuftay. Ninkii oo xanuun la taahaya, kana murugeysan qasaaraha ka soo gaarey sadaqda xuskaas ayaa laga soo sheegay inuu yiri “Sadaqo ka yar oo ka xaraar oo ka xanuun badan ebedkey horay ima soo haleelin.”

Madaxda sare ee dowladda waxaa marar badan xiriirkooda xumeeya sadaqooyinka shacabka loogu soo dhiibo, waxeyna xumaatadu kala gaarsiisa heer ay dhexmarto jihaad aan waxba la iskula harin. Kan sida qaladka ah u soo qaatay sadaqada waxey maamulkeeda isgu jihaadayaan cida kale oo mudneyd iney soo qaado amaba xaqa u laheyd magaca xukuukada iney ugu yabooh tagto. Waxaa jihaad midkaas ka daran uu kan soo qaaday kala kulmayaa coomaadiga weyn iyo gafaneyaashiisa ku xeeran ee ku sugaya dalka gudahiisa oo haddii ay ku qanci waayaan qeybsiga ku shahiidaya mooshinka.

Madaxda Soomaalida waxey xeeladoodu ka gudbi la’ dahay adeegsiga kaalmada shisheeyaha lagu tuugsanayo oo inta badan ay maamulka xoolahaas ka dhalato khilaafkooda xoogan. Haddii la raaco meelaha ay ku dambeeyeen lacagahaas waxaa loogu tegayaa khilaafka ka dhashay oo si xirfadeysan loogu soo qurxiyey qaab siyaasadeed ama beeleed si marmarsiyo ay ugu helaan in khilaafkoodu ku saleysan yahay ismaandhaaf salka ku haya kala fikir duwanaasho, taas oo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn. Waxaa kuu muuqanaya in raisulwasaaraha uu muujinayo inuu ka careysan yahay amardiidada uu kala kulmayo madaxweynaha oo uu kala horimaanayo hawlaha lagu maamulayo xukuumadda, taas oo ah midaan sax ahayn waayo cida loo baahan yahay inuu amarka madaxweynaha qaato waa raisulwasaaraha oo horay dhaar hoose ula galay inuu kooxda madaxtooyada keentay u shaqeeyo, lana shaqeysto. Inkastoo madaxweynaha hogaamintiisu ay aad u liidato haddana isaga ayaa doorasho ku yimid kursiga madaxweynenimada, isaga ayaana ka masuula oo uu xil ka saaran yahay hogaaminta dalka, wuxuuna xaq waajiba ugu leeyahay xubnaha ka tirsan xukuumadiisa in amaradiisa ay u hogaansamaan oo sida waafaqsan talooyinkiisa loo raaco siyaasadiisa uu dalka ku hogaaminayo.

Waa qalad in xubnaha ka tirsan xukuumada ay qeybna noqoto mucaarid, qeybta kalana ay u muuqato muxaafid. Waxaa haboon haddii raisulwasaaruhu uusan ku shaqeyneyn meelmarinta siyaasada madaxweynaha inuusan isku daalin isqabqabsi la iskugu cagajugleynayo awood dowladnimo oo uusan midkoodna istaahilin, taas oo ku dhamaata in si aan niyad ahayn gacamaha la isugu geliyo dabadeedna qalbigooda oo isnacsana la kala fogeeyo oo mid walba qiil loogu helo inuu xilka iska dhigo. Raisulwasaaraha waxaa la gudboon inuu xilka iska casilo mar haddii ay wadashaqeyn waayeen ama uu ka waayey madaxweynaha kalsoonidii uu ku soo xushay si uu madaxbanaani ugu maamulo xukuumadda. Wadamada caalamka waxaa doorasho ku yimaada ama madaxweynaha ama rasiilwasaarha, kan ku soo guuleysta doorashadaas ayaa amarkiisa lagu qasban yahay in la raaco, isaga ayaana iska leh awooda siyaasadeed ee lagu hogaaminayo xukuumada, mana dhacdo inuu ka dhexshaqeeyo xukuumadiisa cid aan amarkiisa qaadaneyn. Ma dhici karto kala maanduwanaasho ka dhex imaan karta xukuumada dhexdeeda waayo waxaa lagu shaqeynayaa oo keliya waa fulinta amarada iyo siyaasada madaxweynaha, cidii aan sidaas ku qanacsaneyna waxaa u furan iney si xushmad leh xilka uga tagto. Waxaa dhab ah in hogaanxumida ka jirta dhinaca xukuumada uu masuul ka yahay madaxweynaha waayo dhaliisha loo soo jeedinayo xukuumada isaga ayey dushsa ka aaran tahay, mana jirto cid la wadaageysa eedahaas, taasna waxey ka turjumeysa inuu yahay masuul ku fashilmay gudashada waajibaadka uu u xilsaaran yahay oo ah dalka inuu ku hogaamiyo xukuumad leh maamul siyaasadeed oo mideysan. Ma jirto wax ka hortaagan madaxweynaha oo aan ka ahayn kartixumadiisa inuu soo xusho raisulwasaare ay xulafo hoose isaga yihiin fikirka siyaasada waayo isaga ayaa xaq u leh inuu soo xusho cida uu rumeysan yahay iney kalsooni buuxda kula shaqeyn karto isagoon ku saleyn xulashadiisa habqeybsiga ku dhisan beelnimada.

Xisbiga Dadka wuxuu madaxda dowladda uu soo jeedinayaa ineysan shacabka khilaaf beenguura oo salka ku haya danahooda gaar ahaneed aysan ku mariin habaabin hiigsiga beenta ah oo ay ku qorsheynayaan sidii ay waxqabad la’aan ugu dhameysan lahayeen labada sano ee soo socota ama ay ku kororsan lahayeen wakhti dheeriya oo ay ku darsadaan sii haynta talada dalka, taas oo haddii ay dhacdo shacabka Soomaaliyeed ay ka dhaxlayaan iney kala kulmaan masiibooyin ka xanuun badan kuwii ay horay u soo mareen. Sida ugu wanaagsan ee xal looga gaari karo hogaanxumada dalka ka jirta waxey tilmaameysaa in madaxweynaha Soomaaliya uu xilka iska dhiibo si loo badbaadiyo qorshooyinka lagu gaarayo doorashooyin dalka ka dhaca 2016. Haddii taas la waayo xisbigu wuxuu ka digayaa dhibaatooyin halisa iney ka dhalaneyso hogaanxumada oo sii socota labada sano oo soo socota ama dowlada oo si rasmiya u burburta inta la  isku mashquulinayo iskudayga lagu dhuminayo wakhtiga dheer oo la isugo soo jiidjiidayo madax aan isaminsaneyn oo la isku sii dabrayo. Shacabka Soomaaliyeed waxey u baahan yihiin maskaxda maanta talineysa mid ka duwan, taas oo helideeda ay xal u tahay caafimaadqabka xukuumada Soomaaliya. Jihaadka ka dhexaloosan madaxda Soomaalida waa mid salka ku haya tuugsiga shisheeyaha, waxaana ugu daran midka ka kaca sadaqada ku lamaansan soo gudashada waajibaadka Xajka oo kheyrkiisu badan yahay, haddii laga aqbalana uu abaalmarinteeda gooni u leeyahay xaajiga dhagaxa madow soo taabsaday. Sadaqo ka xoolo badan oo ka xanuun badan oo ka xaaraansan oo boqortooyada ka timaada weli Soomaalida ebidkeed ma soo marin. Maxaa yeelay lacag si cadaana loo bixinayo oo aysan daba socan wax qoraala oo lagula xisaabtamayo madaxda qaadeysa waxey ka jirtaa oo keliya sadaqada iyo sooryada boqortooyada, laakiin yaan la hilmaamin lacagtaas waxey noqota mid geyisiisa madaxda ugu sareysa dowladda Soomaalida iney geyso kala reebto.

Dr. Saciid Ciise Maxamud

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

saciidciise258@aol.com

Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net

webmaster@arlaadii.net /
Arlaadii@hotmail.com

Leave a Reply

*