Madaxweyne Xasan sheekh OO Baydhabo Gaaray Si Uu Ufuro Shirka Lagu Dhameystirayo Dhisida Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo uu wehliyo Ergayga Gaarka ah ee Q.midoobay u qaabilsan Soomaaliya, xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo.
Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka magalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sh Cusmaan Jawaari iyo kummanaan dadweyne ah oo Caleemo qoyan Lulalayay, kuwaas oo Safnaa hareeraha Wadada u dhexeyo garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta uu ka furmayo shirka lagu dhameystirayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xasan Sh Maxamuud Ayaa furay shirka iyadoo haatay ay si toos ah magaalada Baydhabo ugu sacoto, xafladda shirkaasi lagu furayo oo si weyn loo hadal hayay maalmihii la soo dhaafay.
Ammaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada ku sugan Ergooyin kala duwan oo lagu casuumay, in ay shirkaasi ka qeybgalaan.

Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net
webmaster@arlaadii.net / Arlaadii@hotmail.com
  1. Skye Reply

    waxaan yaa naga qabto, hada soomaali oo dhan far ayaa ku godan oo meel kasta ay jooaagn isha ayaa lagu hayaa , !! Alloow hanuuni oo wadada saxda ah tusi umadaada !!U codee: 0 0

Leave a Reply

*