Khilaafka Madaxda sare Hogaanxumadooda Ayaa Ka Dambeysa

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka wuxuu baaq u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna baaqaas ugu soo gudbinayaa in dhibaatada ka taagan siyaasada Soomaaliya uu si buuxda masuul uga yahay madaxweynaha Soomaaliya oo hogaamintiisu ay xun tahay, waxeyna taloxumadiisu dalka u horseeday khilaaf siyaasadeed oo aan lahayn dhamaad, Sidaas daradeed ayuu Xisbiga Dadka ka codsanayaa shacabka soo maaliyeed iney la wadaagaan dalabka ay ku doonayaan in madaxweynaha Soomaaliya uu xilka si nabada uga dego.

Waxaa dalka Soomaaliya ka dhumay heerkii sare ee waxgaradnimada madaxa ugu sareeya Soomaliya, waxaana shacabka la soo gudboonaadey waxqabad la’aan iyo in shacabka rayidka ah ay dowladdda kala kulmaan dhaqan kelitalisnimo oo xoriyada looga qaadayo saxaafadda, siyaasiyiinta mucaaradka ah, iyo hawlwadeenada u shaqeeya dowladda oo dhaliilsan habdhaqanka madaxda.

Madaxweynaha iyo kooxdiisa madaxtooyada waxey ku guuldareysteen iney dalka Soomaaliya u horseedaan hogaamin wanaagsan oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan, waxeyna taas bedelkeeda isku dayeyaan iney dalka ku xukumaan nidaam kalitalisnimo si ay mudo dheeraada ugu helaan iney doorashooyin beena dadka ku mariin habaabiyaan, fursadna ugu helaan boobka iyo dhaca loogu geysanayo hantida qaranka Soomaaliyeed oo ah dhaxalka ay leeyihiin dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa dhowaanahan soo muuqanayey hiigsi been abuura oo la doonayo in dalka sharciyadiisa lagu cayn wareejiyo si ay hubaal ugu noqoto madaxtooyada in koox yar oo u abaabulan koox-diimeed iney ayaaha mustaqbalka Soomaaliyeed xukun kelitalisnimo ah ku qabsadaan oo talada ay la hoos galaan boqortooyooyin Carbeed oo Soomaaliya la damacsan in dunida inteeda kale laga go’doomiyo.

Fashilka ku yimid hogaaminta dalka waxey horseeday iney dhunto kalsoonida shacabku ay ku qabaan madaxda sare ee dalka kadib markii ay soo baxday dhunsashada hantida qaranka iyo dumista heykalka dowladnimada. In kastoo koox-diimeedka ka taliya madaxtooyada aysan diidaneyn ku dhaqanka hanaan dowladnimo oo aan diini ahayn iyo iney wax la qeybsadaan caalamka aan Islaamka ahayn, haddana sidaas oo ay tahay ayey xukunka ku hagjirsan yihiin oo ma lahan hogaamin ku saleysan dimoqaraadiyad ama talowadaag iney ka dhigaan siyaasadda dalka, waxeyna damacoodu yahay iyaga iyo xulafadooda ama xeertooda oo keliya iney dowladnimada dalka ku xadidsanaato.

Kooxda yarta ah ee kelitaliska ah weli uma muuqato in dalka siyaasadiisa aan lagu hogaamin karin caburin iyo laaluushka lagu meelmarinayo danahooda gaar ahaaneyd, koox-diimeedkaas ay talada madaxtooyadu gacmahooda ku aruursan tahay weli ma aysan garan siyaasada dalka iney ku sii sibibixaneyso haadaan ay ka dhaceyso dowladnimada Soomaaliyeed, caaqilada madaxtooyada weli ma aysan garwaaqsan sahankoodu meesha uu u horseedayo oo ay geediga ugu jiraan, weli lama hayo hogaaminta ay shacabka xiriirkooda ku soo celin lahayeen wadashaqeynta kala dhexeysa dowladda.

Shacabka waxaa dareenkooda galay in deriska iyo shisheeyaha loo adeegayo, in dhaxalka ummadda Soomaaliyeed oo bad iyo beriba ku jirta la beecinayo, in ciidanka qaranka Soomaaliyeed loo gumeynayo iney hoos yimadaan hogaaminta ciidanka shisheeyaha, in meeshii ay ka sugayeen shaqo abuuris iyo dhaqaalaha dalka oo dib loo soo celiyo in lagu mashquulsan yahay mashruucyo si gaara loo leeyahay, waxey shacabku ka rejo beeleen madaxda dalka marka madaxda sare ay ku heshiiyeen in dhaqanka ku saleysan khilaafka in dalka uu u noqdo hogaanka loogu horseedayo qeylodhaan aan waxba shacabka loogu qananeyn,sidaas oo ay tahayna in la hiigsado himilada labakacleynta 2016 oo u muuqata mid salka ku haysa qof walba inuu hiigsiga maalida muruqiisa uu xukunka xoog ugu yimaado.

Xisbiga Dadka wuxuu madaxweynaha u soo jeedinayaa inuu xilka isaga tago mar haddii uu dhumiyey kalsoonida shacabka oo aan marna ku qanacsaneyn sii joogistiisa, wuxuuna xisbigu muujinayaa dareenka aan wanaagsaneyn ee sii joogistiisu ay dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay dhaxal siineyso. Waxaa waajib ku ah golaha shacabka qaranka iney la xisaabtamaan madaxweynaha oo ay karti xumadiisu sababtay inuusan gudan karin xilka hogaaminta Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon iney taageeraan dhaqdhaqaayada siyaasadeed oo ay ka muuqato wadaninimada, kuwaas oo halgan siyaasadeed kala soo horjeeda kooxda yar ee kelitaliska ah oo madaxtooyada dalka  u horseedaya hogaanxumo ku qotonta kooxeysi dariiqo, burcadnimo siyaasadeed, iyo daneysi gaara.

Waxaan shaki lahayn in shacabka Soomaaliyeed aysan wax rajo ah ka qabin kooxda hogaaminta dalka la mariin habowday iyo in shacabka ay xuquuqdooda wadaninimo ka helaan madax ku dhex wareersan ku daneysiga diinta iyo dowladnimada, waxaa sidaas si la mid ah shacabku aysan rajo uga lahayn shirarka shisheeyaha ay u qabanayaan si Soomaaliya loogu yabooho lacago inta badan ku dhamaanaya jeebabkooda, shacabka Soomaaliyeedna ay ka dhaxlayaan dhiig iyo dhibaato la kala dhexdhigo oo sii kala fogeeya wada noolaashahooda. Xisbiga Dadka wuxuu walaac weyn ka qabaa siyaasdda iskhilaafsan ee dalka lagu hogaaminayo iyo hogaanxumada madaxweynaha oo ku soo dhamaatay dhaqanka shaqsi jecleysiga oo horseeday tubta qaloocan ee lagu soo gunaanadayo dowladnimada qaranimada Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed ha ka feejignaado ineysan madaxda sumaysan danahooda gaarka u ah ku gaaraan in siyaasdaha ay isku khilaafsan yihiin u rogaan muran degaan ama mid qabiil oo shacabka Soomaaliyeed u horseeda dhiig daata ama kicinta xasarado indhaha dadweynaha ka sii jeediya hogaanxumadooda ku saleysan qaran dumisnimada. Madaxweynaha oo xilka ka dega waxey xal wanaagsan u tahay khilaafka oo dhamaada iyo dowladnimada oo dib u dhaqangasha.

Dr. Saciid Ciis Maxamud

Gudoomiyaha Xisbiga dadka

saciidciise258@aol.com

Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net

webmaster@arlaadii.net /
Arlaadii@hotmail.com

Leave a Reply

*