we

Oradyahantii Qaranka Soomaaliya Saamiya Yuusuf Cumar oo ku geeriyootay bada udhaxeysa Liibiya & Talyaani Ilaah naxriista janada haka waraabiyo

Filed under: SPORTS NEWS |

Muqdisho:(A.M.Network) Gabar caan ku ahayd Orodka 200 ayaa ku dhimatay badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga sida la soo wariyay, gabadhaas oo ka mid ahayd gabadhaha Cayaaraha orodka ee Soomaaliya.
Saamiya Yuusuf Cumar oo soomaaliya u metelaysay Cayaarihii Olombikada Adduunka ee 2008 dii lagu qabtay Magaalada Bikiin ee dlka Shiinaha ayaa ka mid ah Tahriibayaal Soomaaliyed oo la sheegay inay ku dhinteen badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga kuwaas oo doonayay inay u soo talaaban dalka Talyaanig.



Waa Saamiya Yuusuf Omar oo Orod u diyaar garoobaysa 2008 dii markaas waxay joogtay Shiinaha
Doonnidan oo ay Cilladi ku qabsatay gudaha Badda, ayay Soomaalidii la socotay kala ahaayeen: 17 Dumar ah, laba Caruur ah, inta kalena Wiilal.
Magacyada Marxuumiinta ku halligmay dhacdadan ayaa lagu sheegay,sidan:-
(1) Firdawsa Xasan Barre…….ka timid Muqdisho.
(2) Kidiso Jiinow Axmed……… ” ”
(3) Shamso Maxamed Caddaawe ” ”
(4) Yaasimiin Muxyaddiin Xasan ” ”
(5) Saamiya Yuusuf Cumar ” ”
(6) Ifraax Cabdi Karbuuno ” “(Oo Uur lahayd)
(7) Ciise Tuuryare Caddaawe yimid ”
Ilaahay Naxariistii Jano haka waraabiye Saamiya Yuusuf ayaa waxay ka mid ahayd 10 kii sano la soo dhaafay gabadha ugu caansan Orodka dalka Soomaaliya.
Dhimasha gabadhan ayaa waxay ku oo aaday xilli maalintii shalay geeriyoodan Aadan Xaaji Yabarow Wiish Guddoomiyihii Olombikada Soomaaliyed iyo Saciid Mugambe oo isna ahaa Guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta soomaaliya, Saamiya ayaa noqonaysa qofkii 3 aad ee bahda cayaaraa waayan 24 saac gudahooda.

Saamiya waxay ka soo carartay dhibaatada ka taagan Soomaaliya kadib markii ay sii wadi weysay Cayaarihii cabsi ay ka qabto shabaabka.
Hadaanu nahay maa’mulka shabakada arlaadii.net waxan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay Saamiye Yuusuf Cumar, gaar ahaan Tacsiyadaas waxaan u dirayaa Hodan Yuusuf Cumar iyo Fataax Yuusuf Cumar oo walaashooda ahayd Saamiya waxaan leeyahay ilaahay Samir iyo iiman allaha idinka siiyo iyadana janadii Fardowsa ilaahay ha ugu deeqo.Aamiin.

Inta jeer ee la aqristay :41
Arlaadii waa hoyga wararka Soomaaliyeed
www.arlaadii.net
arlaadii@hotmail.com
wardiile2011@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>