Dowladda Somalia oo Xaqiijisay inay Dileen Hogaamiye Ka Tirsanaa Al Shabab Waa KUMA+XOG.

Col. Xasan Maxamed Abuukar oo ah Taliyaha Ururka 2-aad ee Guutada 3-aad ciidanka Xooga dalka Somalia ayaa shaaciyay inay dileen jimcihii sargaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al Shabab oo ay dagaalka kula jiraan.

Ninka la dillay ayuu Col. Xasan Maxamed Abuukar magaciisa ku sheegay Ibraahin Fiilay oo uu ku sheegay inuu ahaa Horjoogaha wakiilka Al Shabab ugu ahaa deegaanka Kuntuwaareey.

Taliyaha ka tirsan ciidanka Militariga dalka Somalia ee howlgalka badweynta india wado ayaa intaas raaciyay inay ku dileen Ibraahin Fiilay dagaal ay la galeen Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabab oo ku sugnaa Tuulo yar oo ku dhow Kuntuwaarey.

Ninkaan la dillay ee Ibraahin Fiilay ayaa horey ugu tirsanaa ilaalada gaarka ah ee hogaamiyihii la khaarijiyay ee Axmed Godane kaas oo sanadkii lasoo dhaafay lagu dillay duqeyn diyaaradeed oo uu Mareykanka la bartil maameedsaday hogaamiyahan kooxda Al Shabab.

Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net

webmaster@arlaadii.net /
Arlaadii@hotmail.com

Leave a Reply

*