Maxay ku kala duwan yihiin Qabqablayaashii dagaalka iyo Profosoorada maanta horboodayo siyaasadda dalka ?‏

Tan iyo markii ay dhacday Dowladda Dhexe ee uu Madaxweynuhu ka ahaa Allaha u naxriiste Maxamed Siyaad, Waxaa marba marka ka danbeysa soo baxayey xoogag cusub oo daneynayey qabashada hogaanka dalka. Xoogaggani ayaa caado u ahayd ku baaqista isbadalo deg deg ah oo taabanayo xagga siyaasadda iyo amniga, si looga baxo dhibaatadan dabadheeraatay, laakiin waxa ay isbadalaan mar alaale iyo marka ay xukun qabtaan sida caadadaba u ahayd kuwii Iyaga ka horeeyey.
Xoogaggaasi, ayaa isaga mid ahaa maamul xumada,masuqmaasuqa,qabyaaladda iyo waliba kalitalisnimada,Waxa ay sidoo kale Isaga mid ahaayeen dhaleeceynta ay u jeediyaan kuwii Iyaga ka horeeyey iyo sameynta balanqaadyo aan la fulineynin. Tusaale ahaan, maxay soo kordhiyeen Askartii uu hormuudka u ahaa Maxamed Siyaad oo aan ahayn burbur iyo baaba’ Mase ka soo baxeen Askartaasi balanqaadyadii ay u sameeyeen Shacabka Soomaaliyeed ka dib inqilaabkii ? jawaabtu waa maya, bal waxaanba la dhihi karaa waaba uga dareen dadka waayo waxa maanta taaganba iyaga sabab u ahaa.
Inkastoo Askartaasi markii hore qabteen waxyaabo wanaagsan, hadana markii danbe waxa ay la mid nodeen sida ratigii rarkiisa cunay oo kale. Tusaale ahaan, waxa ay ahay in mudda ah markii ay xukunka hayeen, islamarkaana laga horyimid kali-talisnimadoodi in ay xukunka ku wareejiyaan dowlad la soo doortay sida ay dadyowga kaleba sameeyaan, si loo badbaadiyo dalka laakiin xukunkaan ayaaba noqday mar un I tusi. Kolay Anigu garanmaayo waxa noo diidayo in aan wax ka barano khaladaadkeena !
Markii ay meesha ka baxday Dowladdi Dhexe, Waxaa soo baxay sida aan sheegnay xoogag kala duwan oo xukun doon ah, Kuwaas oo hadafkoodu ahaa sida ay sheegeen in ay doonayaan sidii loo soo afjari lahaa dhibaatadii jirtay, Waxaana ka xusi karnaa Xoogaggaasi Saraakiishii sarsare ee Ciidanka,Siyaasiyiin,Dagaal-oogayaal iyo iyo waliba Wadaaddo xukun doon ah..
Dhamaan Dhinacyadaasi, ayaa dirayey fariimo isku mid ah iyo waliba dhaleeceyn ku wajahan kuwii Iyaga ka horeeyey, Iyagoo markaasi ku eedeynayey in ay masuul ka ahaayeen wixii dhacay, bulse su’aasha meesha taalaa waxaa weeye, maxay Iyagu soo kordhiyeen oo wanaagg ah. Tusaale ahaan, maxay soo kordhiyeen Jabhadii riday Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad mase la yimaadeen Jabhadahaasi qorshe siyaasadeed oo isu keena dhincayadii waagi jiray ? Jawaabtu waa maya.
Maadaama ay Iyagu meesha ka saareen Dowladdii waagaasi jirtay. Sow ma’ahayn in ay la yimaadaan qorshe siyaasadeed oo dhameystiran si loo dhiso dowlad loodhan yahay,islamarkaana dimuqoraadi ah, si looga reysto xukunkii kali-taliska ahaa ee waagaasi jiray ? Runtii wey ahayd in ay sidaas yeelaan, laakiin sow ma haboona marka hore  in la isweydiiyo, waxa uu hadafkoodu ahaa jabhadahaasi ? haa wey haboon tahay in la isweydiiyo, balse Anigu waxa aan qabaa in aysan ka fogeyn waxa ay maanta sameynaya raggii hormuudka u aha Jabhadahaasi sida goosasho,federalism,suuq madow iyo bililiqo iyo waliba qaxootinimo aan xuduud lahayn.
Kooxahaasi ka dib,hadana waxaa soo baxay Qabqablayaal dagaal oo qaarkooda ay dabada ka riixayeen Dowladaha Dariska ah sida Itoobiya oo kale, Kuwaas oo rasaastii la soo siiyey ku burburiyey dalkii, Islamarkaana ku barakiciyey Shacabkii ay hurmuudka u ahaayeen. Dhowr iyo toban sano oo dagaal sokeeye ka dib, Waxa ay Qabqalayaashaasi dalkii dhaxalsiisay in la waayo labo degmo oo heshiis ah gaar ahaan Magaalada Muqdisho ka dib markii ay Magaalada u kala xirxireen xaafada yar yar oo ay Mooryaantu dadka ku dhibto ilaa uu Ilaahay u soo saaray Maxkamadihii Islaamiga kuwaas oo markii danbe xaaqay Iyaga.
Maadaama ay Qabqalayaashu haysteen fursado badan oo ay ku nabadeyn kareen dalka, islamarkaana ay ku joojin kareen dhiigii daaadanayey, hadana waxa ay wax walba ka doorteen isbaaro,bililiqo iyo xukun yar,taas oo markii danbe keentay in ay soo baxaan Maxkamadihii Islaamiga ahaa, kuwaas oo runtii shaqo fiican ka qabtay Qabqalayaashii dagaalka, gaar ahaan kuwii ay hoosta ku wadatay Itoobiya. Itoobiya ayaa taageerto cid alaale iyo cidii ay u aragto in sii fogeyn karto dhibaatada dalka ka jirta balse waxaa laga yaabaa in jiraan dad aan aragtidaasi ila qabin.
Maxkamadaha, ayaa lagu amaanaa sidii fududeyd ee ay uga taqaluseen Mooryaantii iyo Jiridii ay hormuudka u ahaayeen Qabqablayaasha dagaalka,Kuwaas oo runtii dhibaato badan u geystay dalka iyo dadkaba gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ahayd Caasimaddii dalka,taas oo ay ka dhigeen xero-geel ay ku cayaaraan Mooryaanta, islamarkaana dadka laga dhoofiyo. Ma nin bililiqo iyo isbaaro haysta ayaa rabo dowlad iyo nidaam ? jawaabtu waa maya.
Qabqablayaashii ka dib,waxaa hadana saaxada soo ku soo biiray taageerayaashii Ururada Islaamiga ee dalka sida taageerayaasha Al-itixaad,Al-islaax iyo waliba Suufiyo, Kuwaas oo dhamaantood ku hadaaqi jiray in dhibaatada laga bixi doono mar alaale iyo marka ay xukunka qabtaan, lana heli doono dowlad Soomaaliyeed oo ku timaado dib-uheshiisiin iyo is-afgarad, balse balanqaadyadaasi oo dhan ayaa noqday Habaa’an Manthuuran. Intaana Xukun la arag raggu waa rag fiican amma haddi la arko waa dhamaatay.
Inkastoo ay dhibaato badan soo gaartay Shacabka Soomaaliyeed, hadana marna kama quusan in ay soo bixi doonaan rag aqoonyahano ah oo wax ka qabta dhibaatada jirta, gaar ahaan sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo mid ah, islamarkaana loo wada dhan yahay.Waxa ay Shacabku quudareynayeen in mar un ay soo bixi doonaan Profosooro Soomaaliyed oo majaraha u qabta hanaanka siyaasadeed ee dalka, si looga baxo dhibaatadan dabadheeraatay.
Waxa ay sidoo kale Shacabkaasi quudareynayeen, in haddii la helo rag noocaasi oo kale ah la soo afjari karo dhaqan-xumadii siyaasadeed ee dalka ka jirtay, gaar ahaan u kala dhuumashada Dowladaha Dariska ah,taas oo ay caan ku ahaayeen Qabqablayashii dagaalka. Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye ma rumowday riyadaasi ? Jawaabtu waa maya, maxaa yeelay dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxa horboodayey siyaasadda dalka rag Profosooro ah,kuwaas oo aan wax badan ku soo kordhinin dalka hadaysanba uga darin.
Tusaale ahaan, dad badan ayaa filayey in ay wax badan iska badali doonaan xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda,amniga iyo dhaqaalaha mar alaale iyo marka ay majaraha qabtaan rag Aqoonyahano ah. Bal aan isweydiine maxaa dalkan iska badalay dhowrkii sano ee la soo dhaafay, ee ay majaraha hayeen Profosoorada maanta horboodayo siyaasadda dalka, haday ahaan lahayd heer gobol iyo heer federaalba? Jawaabtu waa waxbo.tusaale ahaan, maxaa iska badalay xiriirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ka dib doorashadii Prof.Cabdiwali Gaas ? Waa waxba.
Maxay ka qabteen dib-uheshiisiinta iyo joojinta dhiigaan daadanayo ? Maxay ka qabteen faragelintii ka imaaneysay Dowladaha dariska ah ? Maxay ku soo kordhiyeen Umaddan aan ka ahayn in ay sii kala dilaan, Islamarkaana ay u sii kala qeybiyaan beelo beelo.Waa Umad xitta keeda aqoonta leh uusan kheyr lahayn. Talo waa la diidee aan aragno meesha la tago.
Bal fiiriya Ragga maanta horboodayo siyaasadda dalka,Prof.Xasan Sheekh,Prof.Cumar C/Rashiid,Prof.Jawaari,Prof.Cabdiwali Gaas,Siilaanyo,Prof.Cali Khaliif Galeyr,Prof.Gaandi iyo kuwa kale oo badan. Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye maxay Raggan kaga duwan yihiin Hogaamiye Kooxeedyadii burburiyey dalka ? jawaabtu waa Waxba. Bal waxaanba qabaa in ay Raggan ka qatar badan yihiin Qabqablayaashii dagaalka marka ay timaado midnimada iyo wadajirka dalka iyo waliba Muqadasaadka Umadda.
Marka aan fiirino hab-dhaqanka foosha-xun ee Profosoorada Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa maanta horboodayo siyaasaddan faashilka ah,waxaan runtii oron karnaa wax badan kama duwana Qabqablayaashii dagaalka hadaysanba ka xumeyn, taasna waxa daliil u ah sida ay ugu noqnoqdaan Adis Ababa oo aan u malaynayo in ay tahay xarunta laga xukumo. Wixii laga faani jiray baa maanta lagu faanayaa.Profosoor miyey dhaheen Walee ima gaadiin.
Gabagabadii, waxaan leeyahay maadaama horay loo soo tijaabiyey Askari,Siyaasi,Wadaad iyo Profosoor bal maantana hala tijaabiyo Dhaqtar bal in uu dhaamo kuwaas. Inkasto aan Isgana ka baqayo in uu isbadalo mar alaale iyo marka uu xukun arko. Ilaahay Umaddan wax kheyr leh ha u soo saaro.
W/Q: Cabdulahi Ibrahim
Xafiiska Warqabadka Arlaadii.net

webmaster@arlaadii.net /
Arlaadii@hotmail.com

Leave a Reply

*